Dowladda Taiwan oo Somaliland Ku Wareejisay $550,000 oo Dollar

Dowladda Taiwan oo ka soo jawaabtay baaqi uu madaxweynaha Somaliland caalamka kaga codsaday dhaqaale dib loogu dhiso suuqa Waaheen, ayaa xukuumada Somaliland ku wareejisay lacag dhan $550,000 iyo qalab kale.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa deeqdan ka guddoomay wakiilka Taiwan u jooga Somaliland amb Allen Lou.

“Aniga oo matalaya dowlada Taiwan iyo laba hay’addood oo Taiwan laga leeyahay, waxan jecelahay in aan $550,000 oo ah taakulo deg deg ah ku wareejiyo guddida gurmadka suuqa” sida waxa yidhi amb Lou.

Sheekh Albaan oo u mahadceliyay xukuumada Taiwan, ayaa sheegay in Taiwan ay tahay waddankii ugu horeeyay ee kamid ah waddmada deeqda bixiya ee kasoo jawaaba baaqa madaxweynaha.

“Deeqda suuqa Waaheen oo uu halkan safiirku ka sheegay in ay tahay, deeq deg deg ah, oo dhiig joojin ah oo ay ah oo ay kaga qayb galayaan taakulaynta suuqa Waheen, Taiwan wadamada deeqda bixiya waa waddankii ugu soo horeeyay”.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku jirta dadaalo dib loogu xoolaynayo ganacsatadii ku xoolo beelay gubashada suuqa Waaheen, iyadoo lacago dib loogu qaybiyay tiro kamid ah ganacsatada dabaqada hoose iyo dhexe.

Sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland, waxa burburay guud ahaan 1,000 dukaan iyo 4,200 oo meherado iyo miisas ku yaallay suuqaas, waxaana waxyeello soo gaadhay dad ka badan 17,000 oo qof oo si toos ah ugu tiirsanaa suuqa.

Dad badan iyo sidoo kale bulshooyinka caalamka, ayaa si isku mid ah u ballanqaaday taageerada dib u dhiska suuqa 4-aad ee ugu weyn Geeska Afrika kaas oo ay mas’uuliyiintu ku qiyaaseen in saameyntiisa dhaqaale uu gaadhayo US$2 bilyan. Suuqa ayaa ka kooban 60 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka Somaliland.

Xidhiidhka u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, ayaa sii xoogaysanayey sannadihii la soo dhaafay, iyadoo Taipei ay xafiis wakiil ka furatay caasimadda Somaliland ee Hargeysa Aug. 17, 2020, iyada oo Somaliland ay xafiis ka furatay Taipei bishii ku xigtay ee 9-kii Sebtember.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker