Xukuumadda Somaliland Ayaa Ku Dhawaaqday In Ay Diiwaan Galinayso Dhulka Danta Guud Iyo Hantida Ma Guurtada Ah.

Hargaysa-(OWN)-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday olole soconaya muddo seddex todobaad ah, kaas oo markii ugu horraysay lagu diiwaan galinayo hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo dhulalka danta guud.

Ololaha ayaa lagaga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ee Hargaysa, waxaana wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi uu   sheegay inay daba socdaan “boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey”.

Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, isbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay.

Cabdirashiid Qambi wuxuu intaa ku daray in wixii maamulladii hore ay bixiyeen laga saari doono hantida ay daba joogaan.

“Wixii uu madaxweyne bixiyey ee sifo sharci ah ku baxay waan ka hadhaynaa” ayuu yidhi.

Wuxuu kaloo ka hadlay xidhiidhka u dhaxeeya iyaga iyo dawladda hoose, waxaanu qiray in aanay fiicnayn.

“Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh” ayuu yidhi Wasiirku.

Cabdirashiid Qambi

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker