Xaflad Ballaadhan Oo Xadhiga Lagaga Jaray Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhiyay Machadka Daarul Huda Ee Degmada Allaybaday

 

Allaybaday (OWN)- Xaflad Ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Fasallo cusub oo lagu kordhiyay Madarasadda xifdiga Qur’aanka Kariimka ee Daarul Huda ee ku taalla Degmada Allaybaday waxa Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey ka soo qayb galay Masuuliyiinta Degmada Allaybaday,

Suldaanka Guud ee Deegaanka Suldaan Axmed Nuur Cabdulaahi Samaale, Culimo, Aqoonyahano, siyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka socday Hay’adda Mashruucan dhistay iyo dalka Kuwayt iyo sidoo kale Xubnaha Qurbe Joogta Deegaanka ee Mashruucan doorka weyn ka qaatay oo ay ugu horrayso Sado Axmed Bakaal iyo sidoo kale aqoonyahannada deegaanka oo uu ka mid ahaa Maxamed-Amiin Jirde Odowaa.

 

Odayaasha, Aqoonyahannada iyo Madaxda Xafladda ka hadashay waxa ay ku dheeraadeen Muhiimadda Mashruucani u leeyahay guud ahaan dadweynaha ku dhaqan deegaanka Degmada Allaybaday oo ah deegaan ballaadhan oo si weyn baahi ugu qaba kor u qaadka adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaale.

 

Culimada xafladda xadhig ka jaridda Mashruucani waxa ay mahad-naq ballaadhan u soo jeediyeen Muwaadinad Hay’adda Mashruucan Fulisay ee Lajnatul Ifriiqiya Lil Iqaasa iyo dawladda Kuwayt ee deeqda bixisay halka ay sidoo kalena uga duceeyeen dhammaanba intii deegaanka

u dhalatay ee dhexda u xidhatay hirgalinta Mashruucan ballaadhan ee khayriga ah oo ay ugu horrayso Marwo Sado Axmed Bakaal oo ka mid ah qurbe-joogta deegaanka ee ku  nool Carriga Maraykanka iyo intii la shaqaysay oo ay ugu duceeyeen in uu Ilaahay Miisaanka xasanaadka u saaro.

Maamulaha Machadkan Sheekh Muuse Aw Daa’uud Iriir oo xafladdan ka hadlay waxa uu sheegay in mashruucani wax weyn ku soo kordhin doono aqoonta iyo waxbarashada ardayda deegaanka isaga oo wax weyn ka tari doona gaar ahaan dhinaca tarbiyadda iyo barashada qur’aanka kariimka ah iyo luuqadda Carabiga oo ah furaha aqoonta.

 

Xubin ku hadlayay Hay’adda Mashruucan Fulisay oo isna munaasibadda ka hadlay waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin hirgalinta Mashruucan iyo sida Rabbi SWT u waafajiyay isaga oo dadka deegaanka iyo intii sida gaarka ah mashruucan ugala shaqaysay ugu hambalyeeyey dadaalka weyn ee ay hawshan galiyeen iyo sidii ay isu barbar taageen. “Deegaankan Barakaysan iyo Mashruucan qiimaha badan waxa uu yahay mid muhiimaddiisa leh.

Waxa aanu ku dadaali doonaa sidii uu mashruucani u hirgali lahaa ee dadka deegaanku uga faa’iidaysan lahaayeen. Dhammaanba intii iska kaashatay Ilaaahay haka abaal mariyo” ayuu yidhi xubintan Magaca Hay’adda Mashruuca hir galisay ku hadlayay.

 

Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Samaale oo ah Suldaanka Deegaanka oo gabogabadii xafladda ka hadlay waxa uu aad ugu dheeraaday taariikhda waxbarasho ee deegaanka Degmada Allaybaday, sidii ahaan jiray iyo halka uu maanta joogo isaga oo si weyn u ammaanay ugu duceeyey dhammaanba intii mashruucan gacmaha isu qabsaday ee hir galiyay. Suldaanku waxa uu dadka deegaanka ugu baaqay In ay Machadkan Ilaashadaan

oo ay daryeelaan isaga oo dhinaca kale dalka Kuwayt iyo Hay’adda Mashruucan hir galisay ugu baaqay in ay laban laabaan taageerada ay siiyeen deegaanka Allaybaday oo ay mashaariic kale oo waqfi ahna ka gaystaan dadka deegaanka isaga oo dhinaca kalena xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay wax ka qabtaan baahiyaha Bulsho ee deegaanka.

 

Mashruuca Dhismaha Fasallada Cusub ee lagu kordhiyey Machadka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee Daar Al- Huda ee degmada Allaybaday Waxa dhisay hay’adda Guddida Gargaarka Afrika

“Lajnatul Ifriiqiya Lil Iqaasa” Deeqdaasi oo ka timid dawladda Kuwait oo ay sidoo kale door weyn ku lahayd Marwo Sado Axmed Bakaal oo ah Qurbe-joog deegaanka u dhalatay oo ku nool Carriga Maraykanka oo ay kala hawl galeen Aqoonyahanno uu ka mid yahay Maxamed-Amiin Jirde Muxumed Odowaa oo ka mid ah dhallinyarada deegaanka ee isku hawla Horumarinta deegaanka.

 

Halkan Ka Daawo Muuqaalka warbixinta:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker