Baayaankii Cabdiraxmaan Baadiyow

Ma Israel iyo Ethiopia ayaa ka danbeeyay ku dhawaaqidii Somaliland

Waxan ku bilaabi magaca Ilaahay ee naxariis guud iyo mid gaaraba u saaxibka ah
“Qabsada xadhiga ilaahay dhamaantiin, hana kala tagina”

Maalintii ay taariikhdu ahayd 17/5/1991 kuna beegnayd 3/11/1411 Hijriya, ururka dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka ah ee hore loogu yaqaanay ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaliyeed, ama (SNM) waxay ku dhawaaqeen inay ka gooyeen goboladii woqooyiga Somaliya inteeda kale.

Ku dhawaaqidda gobolkaa gooni u goosadka ahi waxay waafaqsantahay qorshihii xumaa ee gumaystayaashu ku kala qaybiyeen Somaalida, waxa uuna ku celinayaa wadanka siduu ahaa ka hor 1960. Magaca loo bixiyay oo Ingiriisi ahaan ah “Somaliland” waa magacii isticmaarkii ingiriisku u bixiyay qaybtaa ka mid ah dhulka Soomaalida ee uu gumaysan jiray.

Qoraalkan sare waxa lagu bilaabay bayaan uu soo saaray Ururka Islaamiyiinta Somaliya oo markii danbe qaatay magaca Islaax. Bayaanka waxa ku sexeexan Dr. Abdurahman M. Abdullahi (Baadiyow) oo ah xubin ka tirsan gudiga wada hadallada Somaliland iyo Somalia isla markaana ah la taliye sare u ah Raiisal Wasaaraha Somalia, xagga arrimaha nabadaynta iyo dib u heshiisiinta.

Dr. Baadiyow oo xiligaa ahaa ninka u qabilsan warbaahinta ururkaa Islaamiga ah waxa uu aad uga soo horjeedaa go’aankii shacbi waynaha reer Somaaliland ay dib ugula soo noqdeen dawladoodii ay u hureen Midnimada iyo Sharfta Dadka Soomaalida ah taasi oo ay kala kulmeen dulmi, caddaalad daro, eex, qaraabo kiil iyo xasuuq ku suntanaa nacayb dad gaara.

Bayaankan oo ku qoran Af Carabi waxa uu la hadlayaa waddamada carabta isagoo u sawiraya go’aankaa taariikhiga ahi inuu yahay mid ay soo maleegeen wadamo shisheeye oo ay ugu badinayso kala taga wadankii la isku odhan jiray Jamuuriyaddii Soomaaliya.

Waxa uu qoraalkani sobobaynayaa in go’aanka SNM ay qaadatay uu yahay qalad qodobadan soo socoda awgood.

  1. Soomaalida wax kala duwanaansho ah oo keeni kara inay kala tagaan oo u dhexeeyaa ma jiro. Waa shacab isku af ah isku dhaqan ah, isku diin ah isla markaana isku saqaafad ah.
  2. Inaanay jirin dhib gaar u taabatay gobollada waqooyi, ee dhibtu wada taabatay koonfur iyo woqooyiba isla markaasna xukunkii kalidii taliska ahaa ee Siyaad Barre ay siyaasadiisu ahayd inuu si isku mid ah u cabudhiyo dadka Soomaliyeed ee xukunkiisa kalidii taliska ah ku hoos noolaa oo dhan.
  3. Waxa uu is waydiiyay in dhaqankii bahalnimda ahaa ee nidaamkii hore uu sobobay gooni isu taaga?. Waxa uu su’aashan kaga jawaabay in burburkii uu nidaamkaasi gaystay uu wada haleelay dhaammaan shacabka Soomalida oo dhan, burburkii magaalooyinka woqooyiga ku dhacayna uu ahaa mid ay ka sinaayeen umadda soomaaliyeed oo uu ku burburinayay dhaaman umadda soomaaliyeed si isku mid ah.
  4. In dhaqaale ahaan gobolada kale aanay wax dheerayn isla markaana aanu jirin sad bursi dhaqaale oo keeni kara inay wadanka intiisa kale ka go’aan.

Waxa uu leeyahay waxan oo dhami ma ahayn sobobaha keenay gooni u goosadka. Haddaa maxay ahaayeen?

Waxa uu yidhi sobobta dhabta ah ee keentay waxa weeyaan:

SNM waxay fulinaysay qorshe gumaysi, gumaysigaas oo shacabka Soomaalidu muddo ku dhow nus qarni la dagaalamaysay. Waana gumaysigii shanta gobol u kala qaybiyay Soomaalida- waxaana u madax ah oo arrintaa kow ka ah dawaladaha Ethiopia iyo Israel. Ujeeddada ka danbaysa inay sidan yeelaana waa inaan laga helin Geeska Africa Soomaali midaysan oo leh awood ay isku hor taagi karaan qorshaha dhul balaadhsiga ah ee ay leeyihiin.

Ururka Islaamiyiinta Soomaalia isagoo ku taagan mabaadii’da ah midnimada dadka Soomaalida ah ee isku diinta iyo isku caqiidada ah inay mid ahaadaan, waxa uu ururku arrintan u arkaa:

  1. In dhawaaqa ururka gooni u goosadka ah ee SNM uu ku dhawaaqay in uu gobolo dalka ka mida uu ka gooyo inta kale ay tahay arrin sharci ahaan, dhaqan ahaan iyo caqli ahaanba qalad ah sidaad daraadeed ururku waxa uu si cad uga soo horjeedaa isla markaana daadafaynayaa go’aankaas.
  2. Ururku waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay “Hareereeyaan” (encircle) ururka SNM ee gooni u goosadka ah isla markaana taariikhda ka dhalata arrintan inay u xambaariyaan iyo in ururkaa gooni u goosadka ahi uu u adeegayay danaha cadowga shacabka Soomaaliyeed iyo umadda islaamku leeyihiin ee ay ugu horeeyaan Ethiopia iyo Yuhuuddu (Israel).
  3. Waxa aanu dhiiri galinaynaa dedaalka iyo garab istaaga ay qaar ka mida dawladaha carbeed nagu kaalmeeyen si loo ilaaliyo midnimada dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaanu dhiiri galinaynaa garab istaaga ay dawladaha Jaamacadda Carabtu ku bixiyeen isku duubnaanta iyo danta waddanka.

Waxa uu ku soo gunaanaday warqadan baaqa ah Aa’yad Quraan ah waa na tan aayada quraanka ah.

 

Aragtidayda:
Warqadani waxa la qoray 19th May 1991, hal maalin ka dib la soo noqoshadii dawladnimadii Somaliland ka luntay 1960. Waxaana qoray xafiiska isgaadhsiinta ee ururka islaamiyiinta Soomaaliya ee Canada, waxaana warqadda ku saxeexan Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi oo loo yaqaano “Baadiyow” oo hadda ah xubin ka tirsan guddiga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Warqadani waxay ku qorantahay luuqada carabiga sida aad link gan hoose ka arki doontaan.

file:///C:/Users/user/Desktop/Xarakat-Islaamiya-Baadiyow.pdf

Yaa lagula hadlayay warqadan?
Warqadani waxay la hadlaysay ururada Islaamiyiinta ah. Waa mawqif inta badan wadaaddada Ictisaamku aaminsan yihiin ama kuwa ikhwaanu ba. Waxa kale oo ay la hadlaysay waddamada carabta iyo Jaamacadca Carabta sida baaqa ka muuqata.

Sawir nooce ah ayay bixinaysaa?
Dad badan oo ku nool waddamada Muslimiinta ayaa aad u jecel arrimo loo yaqaan “Conspiracy theories”. Arimahaa waxa ka mida wax kastoo dhaca inay u xambaariyaan waddanka Israel ama ururka Sahyuuniga ah ee loo yaqaan “Zionist organisation”, waddamada ay colka yihiin iyo wadamadii gumaysiga. Siyaad Barre wax kasta oo uu xumeeyo waxa uu odhan jiray waxa ka danbeeya isticmaarka.

Qoraalkani waxa uu ku sawirayaa ururkii SNM ee Soomaali oo dhan gunnimadii u dadka gumeeyay Siyaad Barre ka xoreeyay inuu u adeegayay danaha Ethiopia iyo Israel.

Waxa kale oo uu arrintan masiiriga ah ee shacabka Soomaliland go’aansadeen ugu sawirayaa wadamada carabta iyo cid wal oo arkhridaba in dadka reer Somaliland u adeegayaan wadamadan uu sheegay ee Israel iyo Ethiopia. Waana arin Soomalida dhexdeeda aad uga jirta in dadka reer Somaliland lagu eedeeyo inay dhinaca yuhuuda u janjeedhaan si loo kala dilo iyaga iyo wadamada carbeed ee ay jaarka yihiin waana arin aad u riqiis ah isla markaana guuldaro ku dhamaatay oo aan imika cidi dhag jalaq u siinayn. Waxaad imika aragtaan in waddamadii carbeed intooda badan ay ku faanan inay Israel xulafo la yihiin, waxaana ugu danbaysay arrintii Suudaan ee ay ku kulmeen Uganda Raisal Wasaaraha Israel iyo Hogaamiyaha Militariga Suudaan ee Abdilfatah Burhaan.

https://www.jpost.com/Breaking-News/Israel-Sudan-ties-on-the-agenda-for-Netanyahus-Uganda-visit-616374. Waxa ujeedada kulanku ahaa in Suudan iyo Israel ay xidhiidh yeeshaan oo ay Israel ka caawiso in Suudaan uu Maraykanku ka saaro liiska wadamada gacan siiya ama magan galiya argagixisada “state sponsor of terrorism”.

Mu’aamaradaha Soomaaliland ay dad Soomali ah oo cadow ahi u maleegeen waxa ka mid ahayd waraaq ay meelahaas la wareegaan oo ay yidhaahdaan waxa Israel u diray Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN.

Bayaankan ururka Islaamiyiinta waxa ku buuxa been, majara habaabin iyo ideology khaldan kaasi oo in badan oo Soomaali ahi ay ku hongoobeen. Arimaha Soomaalidu iska dhaadhicisay waxa ka mida in Jamuuriyadii Soomaalida ay Ethiopia dumisay. Waa been cad oo taariikhiyan ay tahay in loo saxo inta ay goori goor tahay. Waxa Soomalia dumisay dawladii kalidii taliska ahayd ee Siyaad Barre iyo intii uu isku xeeray oo tolkii u badnaa waana inay taarikhdu iyaga u xambaariso dumistii iyo burburkii Somalia.

Abdullahi Yuusuf oo ahaa Madaxwayne wuxuu ku guulaystay inay Ethiopia soo gasho Caasimada Soomalia waxaana taariikhdu xusaysaa in Madaxwaynihii 4aad ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” isagoo ahaa waqtigaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulimiye uu si cad oo aan gabasho lahayn uga hor yimid in Ethiopia ciidankeedu gudaha u galaan Somaalia.

Arintan Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga horyimd Ethiopia uma ay dan ahayn Somaliland oo waxa la sheegaa in markii uu madaxwaynaha noqday ay xidhiidhkii uu la lahaa Raisal wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia Meles Zenawi uu ahaa mid shaki ku jiray dhinaca Ethiopia.

Waxyaabaha aan dafiraada u baahnayn ee qoraalkani dafirayo waxa ka mid ah dhibtii nidaamkii Siyaad Barre u gaystay Somaliland. Ma jirto magaalo ka mida Somalia oo aan ahayn Hargeisa oo diyaaradii madaarkeeda ka duushay ay isla magaaladii duqaysay. Waxaad ka heli kartaa wixii Somaliland ka dhacay xasuuq iyo xad gudubyo warbixinta African watch ee magaceedu yahay “GOVERNMENT AT WAR WITH ITS OWN PEOPLE TESTIMONIES ABOUT THE KILLINGS AND THE CONFLICT IN THE NORTH”Waxa kale oo sii xoojinaya arinta in Soomaliland xasuuq iyo xad-gudub ka dhacay raali galintii aan dhamayska tirnayn ee Madaxwaynaha Soomaaliya.

Dr.Abdurahmaan arintan wali ma aaminsanyahay? Haa. Wali wuu aaminsantahay sida ka muuqata jawaabtiisa aan halkan soo dhigay isagoo u jawaabaya Mohamed Khadar, waxaanu sheegay inay tahay mabda uu aaminsanyahay wax qalad ah na aanu sheegin.

Arrintani waxay si dhaba u muujinaysaa inaanay Dawlada Soomaalia rabin in xal waara laga gaadho wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Towbadu wali way u furantahay Dr. Cabduraxmaan M. Baadiyow, inuu Ilaahay uga toobad keeno beenta cad ee uu ka sheegay halgankii hubaysnaa ee SNM ee ay ku doonayeen inay Afwayne xukunka kaga ridaan isla markaana shacabka Soomaliyeed ee uu isagu ka mid ka ahaa ay xoreeyaan. Waxa kale oo uu been ka sheegay rabitaanka Shacabka reer Somaliland iyo dib ula soo noqoshada dawladnimadoodii luntay. Waxa kale oo uu sheegay been aanu caddaynteeda hayn oo ah in Israel iyo Ethiopia ka danbeeyeen Somaliland inay dawladnimadeeda la soo noqoto. Inuu Shacabka reer Soomaliland iyo SNM ka raali galiyo been abuurkaas uu dusha ka saaray. Iyo ugu danbayn inuu iska casilo xubin nimada Gudiga wadahadalada Soomalia u matalaysa.

 

Cabdiqaadir Saleebaan Xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker