Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Soamlia Oo Toogtay Haweeney doonaysay inay Isku Qarxiso

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay haweeney la sheegay in waxyaabaha qarxa ku xidhnaayeen ayna dooneysay in ay isku qarxiso saldhiga booliiska ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Haweeneydan ciidamada amaanka toogteen ayaa la sheegay in bambaano ku tuurtay ciidamo ku sugnaa banaanka saldhiga, waxaana ciidamada durba haweeneydan ku fureen rasaas keentay in ay geeriyooto.

 

Labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen bambaanada ay haweneydan ku tuurtay saldhiga booliiska degmada Baardhaare.

Sargaal katirsan ciidamada booliiska ee ka howlgala degmada Baardheere ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen haweeneyda bambada kusoo tuurtay, waxa uuna xusay in markii la baaray laga helay waxyaabaha qarxa oo ku xirnaa.

Haweeneyda lagu toogtay degmada Baardheere ayaa la sheegay in ay ka tagtay magaalada Baydhabo una tagtay Baardheere si ay uga fuliso qarax ay la beegsato saldhiga booliiska degmada Baardheere.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker