Wasaarada Caafimaadka JSL Oo Lunsatey Lacagta Mushaharka Umulisooyinka iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka

Umulisooyinka iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee ka hawlgala xanaanooyinka gobolka Maroodijeex ayaa mudo afar bilood ah sugaya mushaharkii ay ku shaqaynayeen.

Warar rasmi ah ayaa xaqiijinaya in hay’adda UNFPA oo bixinaysay mushaharka shaqaalahani ay lacagtoodii ugu soo shubtay xisaabaadka wasaarada caafimaadka uga furan baanka Dahabshiil balse masuuliyiinta wasaarada ayaa ku guuldaraystay inay shaqaalahan gaadhsiiyaan xuquuqdooda.

Ilaa hada ma jirto sabab ay wasaarada caafimaadku sheegtay in loo haysto xuquuqda shaqaalahan u adeega hooyooyinka uurka leh iyo kuwa umulaya.

Wakhti ay dalka ka jirto xaalad dhaqaale xumo oo baahsani ayaanay ku soo beegmaysaa sababta la,aanta ay masuuliyiinta wasaarad caafimaadku mudo afar bilood ah u haystaan mushaharkii shaqaalahan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker