Khalad fahamka toocsiga (Prank) iyo aragtida Cilmi nafsi ee ka danbaysa!

Galabta aniga oo maraya badhtanka suuqa hoose ee Hargaysa, ayaa waxa aan si kedis ah isha qac ugu siiyay, wiil iyo gabadh ku kala dad ku dhex jiraan oo faraha isku taagtaagaya, kuwaas oo taagan dhanka aan ka soo tallaabay ee waddada!
Walaw aanan jeclayn inaan ku baydho meelaha rabshaduhu ka socdaan; cabbaar ayaan u fiirsaday inta aan istaagay, ugu danbayna waxa aan go’aansaday in aan ka war helo waxa jira, sababta ugu weyn ee igu dhalisay ayaa ahayd, wiilka iyo gabadhuba waxay ay u muuqdeen kuwo dagaalamaya, walibana midba midka kale uu ku eedaynayo in uu tuug yahay, gabadha ayaa aad isku difaacaysay oo ku dhawaatay in ay wiilka la dagaalanto,
Walaw sheekadu iga hor bilaabantay oo gebagebadii aan ku soo gaadhay, haddana waxa aan isku dayayay haddii uu gacan qaad dhaco in aan xaalad dejinta kala qayb qaato dadkii hore ugu jiray.
Waan ag istaagay, si aan sheekada u fahmo, waxa aanan dhagaystay hadaladoodii, wajiga wiilka ayaa aan eegay, wuu dhoolla caddaynayaa si deggana wuu isku difaacayaa, dadkiina waxa ay leeyihiin “waar iyadu waa gabadhe ka roonoow oo iskaga tag” gabadhu niqaam bay xidhnayd gabadh ay saaxiib yihiin oo bilaa niqaam ah ayaa iyaduna kolba gacanta jiidaysay, si aanay ugu gacan qaadin wiilka, balse waxa ay ku dhawaaqaysay ereyo ay ku sheegayso in uu wiilku ka gar-daran yahay. Inantii waxa jiidday saaxiibadeed oo goobtii way ka dhaqaaqday, dadkii qaarbaa hoos u leh “waar inantu malaha way ku caashaqdaye fahan
Mar kaliya ayuu inta uu qoslay gacant ku fiiqay gaadhi (probox) ah oo u jiray 5 tallaabo wax aan ahayn, balse taagnaa (Parking) si degganna u yidhi ” Kamerad ayaa socota!”
Si deg deg ayaa uu qof walba halkii uu ku socday jihada ay ka xigtay ugu cararay, isaga oo qoslaya
Dhallinyarada duuba toocsigu waxa ugu weyn ee ay u duubaan waa in ay lacag ka sameeyaan, waana (Youtubers). Balse ujeedka loo sameeyaa wuu ka sal balaadhan yahay, waxaaana inta badan sameeya machadyada Cilmi baadhisaha qaabilsan, si loo sameeyo tijaabooyin Cilmi baadhiseed oo bulshada khuseeya (Social experiments) taas oo loogu gon leeyahay ogaanshiyaha heerka wacyi, hab-fikir, hab-dhaqan iyo aqooneed ee bulshada, kaas oo ku aaddan nooca tijaabo ee laga qaadayo sida ( heerka dulqaad ee bulshada/qof, heerka caadifadeed, heerka aaminaad, heerka daacadnimo I.W.M)
Dhallinyarada duuba daawashooyinka toocsiga ah, waxa aan ku baraarujinayaa in ay cilmiyeeyaan, si ay bulshadu uga faa’idaysato.
F.G: qosol kaliya muhiim maaha, haddii aanu ujeed dhab ahi ka danbayn, khataro badan ayaana ku gedaaman ee aad ha uga taxaddaraan!
Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker