CALI DHUUX IYO JACAYLKUU GEELLA U QABAY

Cali aadan gorayo wuxu ahaa nin si walba ugu tirsan ragii hore ee maansada ama suugaanta soomalida wax dheer loogu deeqay.

Wuxu ahaa geesi aan cadkiisa loo muhan karin, wuxu u ahaa colwadeen tolkiisa, wuxu sidoo kale ahaa ragii ugu horeeyey gabay iyo geeraarba ku amaanay waxdheefkii xiligaas soomali ugu qaayaha iyo qiimiga badnaa ee geela.
Cali dhuux waa ninkii dhaca culimada iyo caamadu ay isaga iskugu midka u ahaayeen dharaar noolbana ku hawlanaa dhicinta geela oo ahaa meesi uu aad u jeclaa, wuxu kamid ahaa ragii dhab u aaminsanaa in geel la’aani ay nolol la’aan tahay, wuxu kamid ahaa ragii meerisyadii asbax xasan deri u riyaaqi jirey kolkuu odhan jirey:

Bada jiidhayaa iyo beriga jaanta mariyaaba
Walee jacaylkaan geel u qabo waa u jirabi ruuxa.
Wuxu kamid ahaa ragii iyagoo muslim ah marka ay u shubayaan geela ku hees jirey in salaadu iyo geela geela la hormariyo salaadana dib laga qaleeyo ee odhan jirey
Salaadiyo sub
Salaadaa daran
Suub haday timid
Salad la qalee.

Wuxu kamid ahaa ragii lagu sidkay jacaylka geela iyo muxibadiisa ragii madaxa u ruxi jirey meerisyadii samatar baxnaan kula dar-daarmay afadiisa kolkuu qiimiga geela u sheegayey iyo sida aanu geelu u mudnayn in cid la siiyo xataa hadii odayga ku dhalay kaa doono waxaanu yidhi:
Adhi iyo lo’ baa lagu baxshaa aano kuu timide
Aarlaaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye
Kolay aabahaa tahay nin kale looma aamino.

Cali dhuux wuxu gabaygan inu barayaa sida geela loo dhaqaaleeyo, wuxu si faahfaahsan inoogu sheegayaa Tabaha uu geela u dhaqo iyo sidu ugu Hagar baxo, sidu u jeelbixiyo, sidu u arooriyo uguna shubo ceelasha kuwa ugu biyaha wanaagsan, sidu tuugta uga ilaaliyo, sida markaa kadib uu u ekeeyo barimaha ugu wacan ee uu jecelyahay waxaanu Wuxuu yidhi Abwaanku:
Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo
Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo
Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo
Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido
Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado
Goortii ay bogsootana haddii aan, badhi fuudsiiyo
Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane.
Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho
Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo
Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo
Inay budato mooyee haddii, bixinta loo diido
Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin
Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado
Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo
Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo.
Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo
Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda
Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo
Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo
Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo
Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado
Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo.
Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta
Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro
Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado
Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo
Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo
Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo
Goortay cabbaar biliqsatay, meel is babacdaaye
Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento
Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido
Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne
Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo
Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo
Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo.

Mar kale isagoo geel uu xer culimo ah kasoo dhacay culimadii lahayd u diiday inu u celiyo ayuu gabyey marka hore wuxu culimadii u sheegay fikradii uu aaminsaa ee ahayd “nimaan geelahayni inu sharaf laawe yahay” isaguna aanu la’aantiis ku gali Karin, wuxu u sheegay haduu geel dhaqan waayo waxa sugayaa waa inu magaaloyin xeebaha kuyaal qabto oo gaalka xukuma shaaha u kariyo arintaas oo cali dhuux iskala hanweynaa, wuxu culimada ku waaninayaa wacdiga iyo baryada inay iska joojiyaan wuxu yidhi cali dhuux:
Sharad bay mareen awgayoow shan aan uwaynaaye
Ninkaan shini heemaal lahayn sharaf ka dheeraaye
Karuur show leh caanaha shamaal looma soo shubo’e
Shacabkana ma dhaafo oo baduu shabag ku tuuraaye
Shuqulka gaalka kama maarmo oo shaahu kariyaaye
Aniguna shahiid waa waxaan shiiluhu u ridaye
Shiinkiyo wardiga aad akhriyi shicir ku aadaanka
Waxba hays shirabin waa arkaa sheekh inaad tahaye.

Cali dhuux wuxu wadaadkii war ugu soo gabogabeeyey wadaadow geel aan ku celiyo ma haaneedi doontide meesha isaga dhaqaaq, warkiina wuxu ugu idleeyey anigu geel iyo dhaqashadii mooyee wax kale oo aan aqaanaa ma jirto ee adigaaba sheekh ah oo quraankii alle ku baray aad dadka wax kaga heli, isaga dartiisna reerkastaaba wuu ku karaamayn, wanan shilis waa laguu loogi wuxu yidhi cali dhuux:
Shayb waalan iyo wiil yarbaa shaac idiin naqo’e
Shan hadaan ka helay maalintii shaaxin sidigteeda
Caanaha hadhuubkaan shaqladay sheema laga buuxshay
Shukri aan naqo shaxaan dhigto iyo shalaqso mooyaane
Shaki bay iga galay awgayow inaan shaqeeyaaye
Adigaa shilaabiyo yaqaan sheedihii webiye
Adigay degmadu kuu shirayn wanan la shiilaaye
Intaad aayar sii shabaxsataan shiiqso garowgaaga.
Tixdaas ayaa wadaadkii ku quustay sidaasna cali dhuux geelii uu marka horeba soo dhacay ku haystay, isagoon eebe weyne mooyee cid uu ku baqaa aanay deegaanka joogin.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)
Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker