Nin Lacag Madaxfuro U Geeyay Koox Hubeysan Kadibna Ay isagii Afduubteen

Dhacdo dhif ah ayaa laga soo tebiyay waqooyiga Nigeria kadib markii koox hubeysan ay afduubteen ninkii loogu dhiibay lacag madaxfurasho ah si ay usoo sii daayaan in ka badan 100 ardey ah oo ay dableydaas ka afduubteen dugsi sare oo islaami ah.

 

Wararka waxay sheegayaan in sababta kooxda ay u qafaalatay ninka lacagta u siday ay aheyd in aanay  ku qanacsaneyn lacagta madaxfurashada ah ay codsadeen in la siiyo sidaas darteedna aanan lasoo dhameystirin.

 

Waalidiinta ardeyda maqan ee wax ka baraneysay iskuulka islaamiga ee Salihu Tanku ayaa iska aruuriyay kumanaan kun oo doolar si ay usoo daayaan carruurtooda maqan.

 

Carruurtan ayaa muddo labo bilood ah maqan, waxaana la rumeysan yahay in kooxaha ay ku hayaan keymo ku yaalla halkaas.

 

Maamulaha iskuulka ayaa  sheegay in rajadooda ay aheyd in marka ay bixiyaan madaxfurasho dhan 75,000 oo doolar in carruurta ay xoriyaddooda ay dib u helayaan balse haatan ay jahwareersan yihiin maadama ninkii loo dhiibay lacagta madaxfurashada ah in isagii la afduubtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker