Somaliland oo Sharciga la tiigsanaysa Madax Dhaqameed ka hadlay wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan Odayaal dhamaqameed ka hadley in dib loo bilaabo wada-hadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay inay jiraan Odayaal dhaqameed iyo dad kale oo inta badan ka gudba xeeyndaabka dhaqanka,sidoo kalena ka hadla Arrimaha Somaliland,hayeeshee qadiyadda somaliland uusan go’aan ka gaari karin Oday Dhaqameed.

 

Waxaa uu sheegay in cid kasta oo ka hadasha arrimaha wada-hadallada ay tallaabo ka qaadi doonaan,sidoo kale uu sheegay in dowladda Federaalka ay wado qorshooyin ay danahooda ku marsiinayaan Odayaasha Dhaqanka iyo dad kale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in sida kaliya ee xal loogu heli karo arrimaha Somaliland iyo dowladda Federaalka ay tahay wada-hadal,isla markaana meel kasta oo lagu gelayo ay diyaar u yihiin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker