Maxkamadda ICJ oo war ka soo saartay dib u dhigga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ oo la filayay in Isniinta soo socota ay bilowdo dhegeysiga kiiska badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya, ayaa muddo laba bilood ah dib u dhigtay.

War qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go’aansatay in dib loo dhigo dacwadda badda, taas oo hadda loo asteeyay 4 ta bisha Nofembar ee sanadkan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in go’aan kan ay gaadhay kadib codsi uga yimid Kenya, kaas oo ahaa in kiiska dib loogu dhigo.

“Maxkamadda ayaa go’aankan gaadhay iyadoo ka duuleyso codsigii uga yimid jamhuuriyadda Kenya 3-dii bisha Sabtemabr 2019-ka, isla markaana tixgalineyso codsiga Soomaaliya ee ku aadan arrintan”, ayaa lagu sheeay war qoraal ag oo ka soo baxay maxkamadda.

Warbaahinta Kenya ayaa kusoo warrantay in Kenya ay codsigan dalbatay, si ay u qoroto qareenno cusub. Kiiskan ayaa meel xun gaarsiiyay xiriirka labada dal ayaa la filayaa in maxkamadda ay go’aan ka gaarto cidda leh aagga badda ee lagu muransan yahay.

 

Danjire Cali Siciid Fiqi oo ah safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladdiisa aysan la dhacsaneyn go’aanka maxkamadda, balse ay u hogaansamayaan.

“Anagu waam ku qanacsannahay, waayo markii hore ee aan doodda geynay waxaan codsanay inaan dib loo dhigin, laakiin haddii ay maxkamadu gaartay laba bilood wax dhib ah uma aragno,” ayuu yiri safiir Fiqi.

Dacwadda ayaa hadda lagu wadaa inay maxkamadda dhegeysigeeda bilowdo 4-ta Nofembar 2019.

 

Kulankii Addis Ababa

Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika oo maalin ka hor shir ku yeeshay Addis Ababa, ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda ku saabsan badda ay isku hayaan Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno xooggan oo difaaca.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Khayr ayaa kulanka guddiga amniga ee Midowga Afrika ka sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay in dacwaddan lagu dhammeeyo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo ay hor taallo.

Dalka looga guulaysto kiiska ayaa waxa uu waayi doonaa boqol kun oo KM2 oo ah aag ka tirsan badweynta Hindiya oo la rumaysan yahay inay ku jiraan shidaal iyo gaas badan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker