Maxkamad Ku Taalla New York oo Laga Codsaday Inay Trump Ganaaxdo $10,000 Maalintii.

Xeer-ilaaliyaya guud ee gobolka New York ee dalka Mareykanka, ayaa maxkamad ku taalla gobolkaas, ka codsatay in ganaax lacageed oo maalinle ah lagu xukumo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku eedaynaysa inuu quudhsaday go’aan maxkamadeed oo farayay inuu wakhti xadidan ku soo gudbiyo macluumaad laga rabay.

Xeer-ilaaliye Letitia James, ayaa maxkamadda ka codsatay in madaxweynaha hore lagu xukumo lacag gaadhaysa illaa $10,000 maalintii, taas oo ah xaddi lacageed oo ku khasbi kara madaxweynaha inuu hoggaansamo.

Maxkamadda, ayaa hore u fartay madaxweyne Trump inuu soo gudbiyo macluumaad iyo documents, la xidhiidha baadhitaan madaniga oo ku socda hab dhaqankiisa ganacsi inta ka horraysa bishii March 31-keedii, hase ahaatee arrintaasi may dhicin.

Trump, ayaa ku guda jira rafcaan uu bishii February ka qaatay xukun maxkamadeed, ku khasbayey inuu ka jawaabo su’aalaha dhaarta ee baadhitaanka madaniga ah, laakiin kama aanu dacwoon karayn go’aan u dhigma wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inuu ku gudbiyo dukumentiyada laga rabay, ayay tidhi xeer-ilaaliye James.

Fariin falcelin ah, ayaa loo diray garyaqaanka u doodaya madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker