Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan duleedka magaalada Cape Town waxaa lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ahaa labo dhalinyaro ah oo halkaasi u joogay arrimo ganacsi.

Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xaamud Jaras, kuwaasi oo la sheegay inay beegsadeen Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Sida uu noo sheegay Caydruus Cabdiraxmaan Ibraahim oo ku nool Koonfur Afrika, wiilasha dhintay ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi oo ku taalla Happy Valley ee magaalada Cape Town.Waxay ay la kulmeen rag hubeysan, iyagoo ka dibna rasaas lagu furay. Raggii falkaas geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Caydruus ayaa sidoo kale noo xaqijiyay in dhaawaca dhalinyarada la geeyay Isbitaalka Tygerberg oo ku yaalla degaanka Bellvile oo ay Soomaalidu ka degto magaalada Koonfur Afrika, halkaas oo ay markii dambe ku dhinteen.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker