Askari ka Tirsan Ciidamada Somalia oo si Ula Kac ah u Dilay Gabadh dhalinyaro ah

Muqdisho (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila uu askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Dilkan oo Loo geystay gabadh dhalinyaro aheyd ayaa ka dhacay Agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

 

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xamdi Cabdulllaahi, sida ay Oodwaynemedia  u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

 

Dilkeeda ayaa yimid, kadib markii askariga uu rasaas ku furay mooto Bajaaj ay saarneyd Allaha u naxariisteen marxuumad Xamdi oo xilligaas mareysay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

 

 

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi.

 

 

Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker