Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Gearge W Bush oo sheegay Inay Maraykanka Gudihiisa ka jirto Argagixo

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George W. Bush, ayaa sheegay in ay muuqato in ururada Argagixisada ah ee ka jira gudaha dalkaas ay u khatar badan yihiin sida kuwa dibedda.

Bush oo ka hadlayay munaasabadda sanad-guuradii labaatanaad ee weerarradii ay Al-Qaacida ku qaaday Maraykanka, ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay ka hortagaan “rabshadaha ku Urursan gudaha.”

Inkastoo aanu carrabaabin, ayaa haddana madaxweynahii hore waxa uu u muuqday mid cambaareynaya weerarkii ay taageerayaasha Trump horraantii sanadkan ku qaadeen dhismaha baarlamaanka.

 

George W. Bush ayaa sheegay in aanay waxba ku kala duwaneyn Argagixisadii fulisay 9/11 iyo kooxaha xagjirka Maraykanka ah Ee ku sugan gudaha waddankaas.

 

“Labaduba waxa ay ka siman yihiin inay diiddan yihiin kala duwanaanta iyo karaamada bani’aadanka, waxaana ka go’an inay wasakheeyaan astaamaha qaranka. Waa ubadka ka dhashay xumaan oo ay tahay in aan ka hortagno,” ayuu yidhi Bush.

Madaxweynahii hore oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Maraykanka xukumayay markii ay dhacayeen weerarradii 9/11 . Waxa uu si qoto dheer uga warramaya xaaladdii adkeyd ee uu xilligaas wajahay iyo argagixii laga qaaday falkaas ay ku naf waayeen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Madaxweyne Biden ayaa isna ka qeybgalay xuska sanad-guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay weerarradii 9/11. Balse waxaa fagaarayaasha ka maqnaa madaxweynihii ka horreeyay ee Donald Trump kaasoo sheegay in si gaar ah uu u maamuusay xuska.

Muuqaal laga duubay Trump oo uu kaga hadlayay 9/11 waxa uu sheegay inuu xusayo dadkii ku naf waayay weerarrada, isagoo dhanka kale madaxweyne Biden ku dhaliilay ka bixitaankii Afghanistan ee bishii hore.

Maraykanka ayaa weerarradii 9/11 kadib waxa uu duulaan ku qaaday Afghanistan, isagoo xukunka ka tuuray Taliban. Labaatan sano kadib, Taliban ayaa bishii hore dib ugu soo laabatay Kabul, kadib markii ay guulo taariikhi ah ka gaadhay dagaalka ay kula jirtay xukuumadda Afghanistan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker