Dowladda Sacuudiga oo joojisay kala’fogaanshaha safafka Salaada ee Xaramka.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in labada Xaram ee Maka iyo Madiina laga joojiyay kala’fogaanshaha safafka salaada oo xilligii Corona uu aadka u darnaa la bilaabay.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in qof kasta oo ku sugan Xaramka looga baahan yahay inuu xidho afxidhka ama l Face mask si looga hortago cudurka karoona feyris.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa xayiraad lagu soo rogay dadka muslimiinta ee doonayay inay soo xajiyaan gaar ahaan kuwa ka imanaya dalalka caalamka, waxana loo ogoladay sannadkii la soo dhaafay 60 kun oo ruux oo ku nool gudaha Sacuudiga.

Sannad kasta waxaa xajin jidhtay ku dhawaad 2 malyan oo ka kala imaan jirtay dunida daafaheeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker