Khilaaf Ka Dhex Qarxay Xisbiga Kulmiye

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigaasi Jaamac Shabeel ayaa weedho kulul isku waydaarsaday Warbaahinta waxaanu midba ka kale ugu awood sheegtay dhinaca Xisbiga, iyagoo si qaawan iskugu adeegsaday erayo aan laaqi ahayn oo aan hore uga dhex dhicin Xisbigaasi, waxa uu Xasan Siciid sheegay inaanu Gudoomiyaha Golaha dhexe afka Xisbiga ku hadli Karin taasi oo uu Jaamacna Ganafka ku dhuftay kuna tilmaamay nin waxmatare ah oo hore handidaado u soo gaystay, ugana soo horjeeday Musharaxnimaddii Madaxweyne Muuse Biixi.

Ugu horayn Xoghaye Xasan Siciid Oo Ka fal celiyay hadal uu dhawaan Warbaahinta ka yidhi Jaamac Shabeel oo uu ku naqdiyay Xeerkii Kufsiga ayaa waxa uu yidhi “Jaamac Shabeel waxa uu ka hadlay Xeerkii Kufsiga, si shaqsi ah ayuu u hadlay, Jaamac Shabeel kuma jiro Hogaanka Xisbiga, Afhayeenka Xisbigana maaha,Magaca Xisbiga iyo Afka Xisbigana kuma hadli karin, Haddii uu hadlayna xor ayuu u yahay inuu shaqsiyaddiisa u hadlo, Xisbiga KULMIYE Hogaan ayuu leeyahay, Afhayeen ayuu leeyahay, Gudoomiye ayuu leeyahay, wixii qadiyad Xisbiga ku saabsan ee arin Xisbiga ah Xisbiga dhexdiisa ayaa lagaga hadlaa,Suuqa lagagama hadlo, Madaxweynahana ismaanaan qaban, waa caadi shaqadayadu, Gudiyaddii Saddexda Xisbi ee arinta Doorashada ka wada hadlayay ayaanu ku jirnaa oo aan anigu ka mid ahay shanta Xubnood ee Xisbiga Kulmiye, waxaan u cadaynayaa Umadda iyo shacbiga Somaliland, Madaxweynuhu waa Madaxweynahayagii, Waa Gudoomiyahayagii Xisbiga, imika ayaaban kasoo baxay Xafiiskiisa”. Xasan Siciid.

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac shabeel oo aad uga gubtay hadalka kasoo yeedhay Xoghaye Xasan Siciid ayaa isna waxa uu ugu jawaabay “Xasan Waa Nin Iska Hadlay Weeyi, Wuxuu igu ogaa inaan Gudoomiyaha Golaha dhexe ahaa, Umadda iyo Illaahayna waa ogtahay Ninka Magaca Xisbiga ku hadlaa inuu aniga ahaa, Masaaka ayuu Xasan Leeyahay Afka Xisbiga kuma hadli karo, Xasan waan fahmayaa ujeedadiisa, laakiin Xasan Waxaan u sheegayaa haddii ay taada noqon lahayd Muuse Madaxweyne Muu Noqdeen, Waadigii iilkiisa qodayay, ee Dilkiisa iyo Shirqoolkiisa kasoo qayb galay, anna waxaan ahaa Umadda Illaahay waa ogtahay, Sidaasi ayaynu horta labadeenu kala nahaye ha is odhanin markay taydii noqotay ee uu Muuse Madaxweyne Noqday, Muuse iska Xigsii, taasi waa kuu doqoniimo horta”.

Isagoo hadalkiisii wata ayaa waxa uu yidhi: “Takalena waxaan kuu sheegayaa aniga iyo Madaxweynaha dhexdayada Mid shirqoolkiisa ka qayb galay oo dilkiisa ka qayb galay iyo Mid wax matare ahi toona ma soo gali karo, Aniga Iyo Madaxeynaha waxaa arintayadda gali karo oo keli ah nin lasoo halgamay oo sidaydii u badheedhay,oo sidaydii lasoo dhintay, Aniga iyo Raggii reer Samatar ee lasoo dhintay, ayuunbaa gali kara aniga iyo Madaxweynaha Arintayada, laakiin adiga iyo nin wax matare ahi toona oo ka qayb galay Shirqoolkiisa midkiina kama qayb galay ee waxaan ku leeyahay dib iskaga fadhiiso, waxay umadda illaahay ogtahayna waa kuu doqoniimo inaad ku hadasho, Xisbiga waad iigu timid waan ahaanayaa, aniga ayaa ah, waanan ahaan doonaa, Waana laga yaabaa inaad sidii aad shalayba nooga tagtay Barina aad nooga tagi doonto”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker