Wararkii Ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Khamiis Ah sida Qoreen Wargeysyada Yurub

Maalin wanaagsan akhristayaashayada sharafta leh Ee ku Xidhan Oodwaynemedia, sida aad Nooga barateen waxaan maanta oo Khamiis ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Dabcan suuqa kala iibsiga ee Premier League ayaa si rasmi ah u xidhmay 8-dii August balse waxa wali furan suuqa horyaalada kale ee Yurub oo 2-da bisha September xidhmi doona.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA
Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sugi doona ilaa xagaaga dambe si uu safka kooxdiisa usoo xoojiyo waxaana bar-tilmaameedkiisa koowaad ah da’yarka Borussia Dortmund ee Jadon Sancho. (Evening Standard)

Sidoo Kale Akhri: Madaxda Man United Oo Tababare Ole Gunnar Solskjaer La Wadaagay Qorshahooda Isaga Uga Yaala – Miyay Caydhin Doonaan Mise Taageero Ayay Siinayaan?
Real Madrid oo haatan u muuqata mid ka daashay ciyaarta adag ee ay Man United la ciyaartay markay noqoto saxeexa Paul Pogba ayaa doonaysa inay bedelkiisa ahaan ula saxeexato Bruno Fernandes. (GOAL)

Roma ayaa doonaysa inay Juventus kala wareegto Emre Can iyo Mario Mandzukic kahor inta uusan si rasmi ah u xidhmin suuqa qaarada Yurub. (Corriere dello Sport).

Barcelona iyo Paris St-Germain ayaa isku raacay inta ugu badan heshiiska uu Neymar JR ugu wareegayo Barca balse wada xaajoodka ayaa sii socon doona iyadoo PSG ay dalbanayso Ousmane Dembele. (Mirror)

Wakiilka Dembele ayaa dhinaca kale sheegay in ciyaartoygiisu uusan Barcelona ka baxay waana arrin burburin kara heshiiska uu Neymar ugu soo laabanayay Barcelona. (Daily Mail)

Sidoo Kale Akhri: Taageerayaasha Barcelona Oo Ka Dooday In Jose Mourinho Uu Bedelo Macalinkooda Haatan Ernesto Valverde
Kooxda Napoli ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda dhammaystiri doonto saxeexa weeraryahanka goolhaye la’aanta ah ee Fernando Llorente. (Corriere dello Sport)

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea Tiemoue Bakayoko ayaa heshiis uu dib ugu biirayo kooxdiisii Monaco qaab amaah ah ogolaaday waxaana ay hadhay Monaco ku iibsan doontaa haddiiba ay u baahato £31.8 Milyan. (RMC Sport, via Sun)

Paul Pogba ayay adagtahay inuu hadhaw si wanaagsan ula qabsado Real Madrid haddii uu ku biiro maadaama oo aysan is fahmi doonin tababare Zinadine Zidane, Waxa yidhi tababarihii 26 jirkan soo saaray. (Optus Sport via Goal)

Daafaca Liverpool ee Dejan Lovern ayaa wali ka bixi kara Anfield xilli uu xiiso ka helayo kooxda caasimada Talyaaniga ee AS Roma (Corriere Dello Sport via Football.London)

Sidoo Kale Akhri: Musiibada Dhaawacyada Real Madrid Oo Taxane Noqotay – Xiddig Kale Oo Muhiim Ah Oo Ku Biiray Liiska Sii Kordhaya Ee Dhaawacyada Los Blancos
Manchester United ayaa bixin doonta £300,000 oo kamida 400,000 ee uu mushahar ahaan u qaato Alexis Sanchez inta uu qaabka amaahda ah kula soo joogayo kooxda Inter Milan. (Metro)

Real Madrid goolhayaheeda ree Costa Rica ee Keylor Navas ayaa riixaya heshiis uu ugu biirayo kooxda Paris St-Germain isaga oo haatanba macasalaameeyay ciyaartoyda iyo tababaraha kooxdiisa.. (Mirror)

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaan wali meesha ka saarayn heshiis uu ugu wareego kooxaha ka baxsan Germany walow uu dhawaan uun heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa. (Mirror)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker