Qaddaafi Maxaa Galaaftay?

Sannadkii  2009, Colonel  Mucaamar Qaddaafi  oo ahaa Madaxweynihii  Midawga  Afrika , ayaa u soo  jeediyay dalalka qaarada Afrika  in ay  samaystaan lacag cusub oo la yidhaahdo Gold Dinar  si looga madax banaanaado Dollar-ka Mareykanka.

Ujeedadu  lacagta cusubi waxa   ay ahayd ,  in dhakhliga saliida  ka soo gala  Afrika ay dawladuhu maamulaan , halkii bangiyada Mareykanka lacagta lagu shubi lahaa , isla markaana la joojiyo in Dollar lagu kala   iibsado saliida.

Wadamada Nigeria , Tunisia , Masar iyo Angola  , ayaa diyaar u ahaa in  ay lacagtooda badelaan , laakiin nasiib daro  bishii March  2011 gaashaanbuurta  NATO , ayaa bilaabay farogelintoodii milatari ee Libya.

Qaaddafi, waxa  uu doonayey in saamaynta Mareykanka  ee Dollarkiisa uu meesha ka saaro , oo wax lagu kala iibsado  dahabka , waxaana uu shaaciyey mashruucii lacagta Gold Dinar , dalal badan oo Afrikaan ah , ayaa diyaar u ahaa in ay ku taageeraan , waxaana  riyada  Afrika ay masiibo ku ahayd nidaamka maaliyada ee reer Galbeedka.

Sida  ay daaha ka rogtay xogta  laga helay mid ka mida 3000 oo macluumaad oo laga  helay Email-kii Hillary Clinton, waxa  ay NATO  ay u heelanayd  in la afgambiyo dawladdii Mucaamar  Qaddaafi

Bilowgii bishii March, ciidamada Libya  iyo maleeshiyaad dawladda daacad u ahaa , waxa  cagta  mariyeen  mucaaradkii ka soo horjeeday , waxaana ay haysteen hub ku filnaa,si kastaba   ha  ahaate  farogelinta  reer Galbeedku waxa  salka ku haysay ka hortago nidaamka  lacagta midaysan ee Afrika  kaga madax banaanaanaysay Dollar-ka

Nidaamkii  kaligii taliska ahaa   ee Qaddaafi, waxa  uu dadka Liibiyaanka ah  siin jiray, biyo lacag la’aan ah, shidaal jaban, caafimaad lacag la’aan ah iyo waxbarasho bilaash ahayd.

Waxa  uu ahaa hogaamiye xukunka hayey 41 sanno   oo haystay taageerada  qabaa’ilka   oo uu si wanaagsan  ugu maamuay dakhliga saliida ka soo xarooday . Waxa  uu tirtirtay kooxaha jihaad doonka ahaa 1990-yadii  , inkasta oo uu maalgeliyay kooxo ka dagaalamay gobolka Saaxil , Libya  waxa ahayd dal xasilooni .

Iyada oo si wanaagsan loo   maamulay dakhliga saliida , ayaa Libya  waxa  ay  kaydsatay boqolaal tan oo dahab ah , sida ay baahisay shakabedda Wikileaks , waxa wadankaasi haystay 144 tan oo dahab ah, iyada oo Libya  ay taasi ka dhigtay wadanka dhaqaale ahaan  ugu saamayn badan Afrika ..

 

WQ: Maxamed Boosh

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker