Cilmi-baaris: Nibiriga oo la ogaaday in uu dhalmodeyska ka dib sii noolaado

Nibiriga dhalmodayska ah ayaa la ogaaday in uu muddo dheer sii noolaado, taas oo fursad u siineysa in ay daryeelaan dhallaankooda, sida ay saynisyahanno ogaadeen.

Cilmi-baarisstu waxay bidhaamineysaa asalka dhalmadeyska, oo ah mid u gaara dadka iyo dhowr ka mid ah xayawaanno-badeed ah.

Marka la eego xayawaanka badankiis, in dhalmadu istaagto iyadoo la joogo kala bar da’da noolaha waa arrin waa xujo ku lifaaqan dabeecadda abuurka.

Inta badan xayawaannadu way dhalaan ilaa ay ka dhintaan, taas oo u muuqata in ay sare u qaadeyso fursadaha ay hidde-sideyaashooda u gudbiyaan jiilka xiga.

Dr Sam Ellis, oo wax ka dhiga University of Exeter, oo baaritaankan horkacayay, ayaa sheegay in nibiriga dhedigga qaar ay muddo dheer noolaadaan si ay hooyooyinka iyo ayeeyayaasha ay usii wadaan taageeridda qoysaskooda kadib marka ay dhalmo daayaan.

“Waxaan isla sidii ku aragnaa bulshada aadmiga, halkaasoo haweenku ay leeyihiin muddo dhalmo oo la mid ah tan qaraabadeenna noogu dhow balse haddana waxay yeeshaan cimri dheer,” ayuu yiri.

Baaritaankan, oo lagu daabacay joornaalka Nature, ayaa qeyb ka ah dadaal tobnaan sano socday oo lagu xallinayay arrintan.

Koox ay horkacayeen saynisyahanno ka socda University of Exeter ayaa is barbardhig ku sameeyay mudda nolosha ee 32 nooc oo nibiriga ka mid ah.

Waxay ogaadeen in dhedigga shan nooc oo “caadadu ka go’do” ay noolaadaan 40 sano ka badan nibiriga kale ee ilkaha leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker