Hebel ayaa Xamar. Tagey oo Farmaajo Xafiis u Furay Yelkadii!

Ugu horeyn waxaan salaamayaa. Bahda warbaahinta guud ahaan gaar ahaan ‘ascw’.
Salaam ka dib waxaan doonayaa in wax yar idhaahdo dadka qoraya ama baahinaaya. Amaanta ama jaceylka Kooxda Xamar  ee uu horboodo ninka lagu sheego farmaajo.
Somalida waxey ku maahmaahdaa
Doqontu  Xadhiga lagu xidhaayo  Suxulada  ayay ku sidataa,  taasi waxaa  maanta ka dhigan kuwa reer somaliland ee wax qora qaarkood oo ummada aynu ogayn waxii soo marey iyo dadkii ku dhintay leh Xamar ayaan u shaqo tagey  ee himiladii iyo waxey umadu doonaysay hunguri ayar siistay  iyo meel aan waxba jirin  inoo amaanaaya!
Ta kale ee ugu sii xun waxaa weeye. Mareegaha magac somaliland sheegta waxaan ku arkaaye kuwo. Mr farmaajo ugu yeedhaaya madaxweyne ,madaxweynaha somaliland ee la doortaneyna ugu ueedhaaya. Muuse??
Igama ahan dowlad difaac iyo muuse difaac balse shacabka somaliland waxaan doonayaa in ay ogaadan dadka ceynkaasi u dhaqmayaa in ay yahiin kuwo reer somaliland sheegta waliba beesha isaaqa ah.
Suaashaydu waxaa weeye goormaan Xamar iyo farmaajo amaanaa? Durba  somaliland iyo madaxweynaheedna dafirnaa?
Maanta waa la is ogaadey dadka caynkaasi u hadlaaya ama qoraaya hala ogaado in ay yahiin ku aaminsan somaliweyn somaliland
Jecel burburkeeda iyo kala tageeda!
Waxase hubaal ah dadkaasi in aaney ummada reer somaliland ka leexin doonin tubteeda.
Qore Tahir hussein

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker