Sababaha keena shaqo laanta iyo sida looga bixi karo

Shaqo la’aantu waxay noqotay caqabad ka taagan meelkasta oo caalamka
ah, waxa kale oo noqotay cabasho joogtaa oo masuuliyiinta dawladaha
lagu canaanto, heerka shaqo la’aantu dalalka caalamka way u kala badan
yihiin siday u kala horumarsan yihiin, waxaanay noqotay olole lagu
galo doorashooyinka in shaqo la’aanta hoos loo dhigo.

Caalamka waxkastaa sabab ayay leeyihiin , shaqo la’aan kastaana sabab
ayay leedahay, mararka qaarkood waxa sabab u ah kala badnaanshaha
baahida suuqa iyo dadka, oo waxa yaraada suuqii u baahnaa shaqaale ,
waxaanna bata dadkii shaqo doonka ahaa sidoo kale isbeddelka
technologiyada casrigan oo sababtay in shaqaale badan hawada laga
saaro iyadoo sanadka 2030kana la waddo hab imika tijaabo ah oo lagaga
shaqeyesiinayo malaayiin robots ah “ dad u eeke” si looga maarmo ibnu
aadankii shaqeyn jiray ama qabanaya shaqooyinka aanay dadku qaban
Karin.

Marka la qeexayo shaqo la’aanta maxay tahay? Waxa lagu qeexaa marka
qofku shaqo raadiyo se aannu helin taas ayaa la idhaa “unemployment”
shaqo la’aan sidoo kale shaqo la’aanta waxa la idhaahdaa marka qofku
afar wiig oo isku xiga shaqo raadiyo se aannu helin markaas ayaa la
odhanayaa waa bilaa shaqo.

Marka aynu waddankeena joogno waxa jira shaqo la’aan baahsan oo aan
caalamka kale ka jirin taas oo dhallinyaro badan tahriibisay, niyad
jabisay taas oo aan odhan karno qofkasta oo shaqo la’aan u tahriibay
ama u niyad jabay waxay caqabad iyo dhib ku tahay naftiisa, qofku
shaqo wuu waayi karaa se haddii aannu aqoon u lahayn sida shaqo loo
helo ama loo abuuro amaba loo raadiyo waxay sababaysaa in la tahriibo
ama la niyad jabo oo lagu dambeeyo balwado kala duwan iyo hadal ah
dalkan shaqo ma taallo taasi oo ku tusinaysa niyadjabka ku haysta.

Waa run shaqo la’aan way jirtaa waanan qirayaa se inta maanta
shaqaysaa waa inta taqaana sida shaqo loo helo ama loo raadiyo, waa
inta aqoon kala duwan leh ,waa inta xirfadaha shaqo leh, waa inta
diyaarka u ah innay shaqo helaan.

Inta shaqo la’aantu haysaa waa inta aan haysan xirfadaha shaqo ee
markaa loo baahan yahay, inta aan diyaarka u ahayn innay shaqaystaan,
waa inta aan shaqo raadin ee iska fadhiya makhaayadaha intaas ayaan u
aqoonsaday innay shaqo la’aani hayso, waa inta aan aqoontooda loo
baahneyn, waa inta ay farsamooyinka shaqo raadisku ka dhiban tahay,
waa inta aan dadka hor istaagi Karin, waa inta aad jeclayn shaqada,
waa inta seexata, waa inta balwadaha leh, waa inta aan xirfadaha
lahayn.

Haddii aanad gurigaba dhaafin oo aad leedahay shaqo ma jirto waa adiga
dhibku ee dalka maaha, haddii aad ku niyad jabtay laba jeer oo aad
imtixaan ama waraysi gashay oo aad tiraahdid waddanku waa qabyaalad
wali waad khaldan tahay, way jiraan shaqooyin aan si daacadda ah dadka
lagu kala saaraa, sidoo kalena way jiraan shaqooyin cidda la doonnayo
un la qorto se marka aad arday tahay waxa kugu waajiba innaad meelo
kala duwan ka codsatid shaqooyin kolba aqoontaada ama shaqada diyaar
ah ee laguu soo bandhigo innaad qabatid. Waxa jira shirkado badan
hay’ado badan oo shaqaale qorista si daacada u qorta oo haddii
nasiibku kula kulmiyo aad soo gaadheysid inta aqoontaadu tahay.

Noocyada shaqo la’aanta ee caalamka waxa ugu muhiimsan afartan qaybood
ee kala ah :–

Structural unemployment: waa marka qofka shaqadii hore ay ka dhamaatay
ama uu ka tagey ee uu wali raadinayo shaqo kale ee aannu wali helin
wax shaqo ah.

Frictional unemployment: waa marka xirfadaha shaqo ee aad leedahay
laga baxo, ama aan loo baahneyn taas oo lagu beddelo Technology ama
qalab casri ah oo shaqadaadii qabta.

Cyclical unemployment : waa marka dhaqaalaha dalku hoos u dhaco, ama
aanu fadhiyinba, waxa dhaca in shaqaale badan shaqada laga fadhiisiyo
ama la fasaxo, maxaa yeelay waxa yaraanaya baahidii bulsho ee wax
iibsiga, shirkada iyo alaabta ay shaqaaluhu soo saaraan marka loo
waayo suuq lagu iibsado.

Seasonal unemployment: shaqo la’aanta ay sababto isbeddelka cimilada
ee caalamku, waana marka ay jiraan isbeddelo cimileed tusaale ahaan
sida baraf, kuleel sida Berbera wakhtiyadda xagaaga waxa la yareeyaa
shaqaalaha halka wakhtiyada qabawga suuqu badan yahay shaqaale
badanna loo baahdo tusaale ahaan goobaha cuntooyinka iyo cabitaanka
ayaa ku xidhan isbeddelka cimilada, dhismayaasha ayaa istaaga
wakhtiyada xagaaga, waxaanna yar dhaq-dhaqaaqa iyo fulinta
mashaariicaha dawladda iyadoo lagu simo wakhtiyadda jiilaalka.

Dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee shaqo la’aanta

Markasta oo shaqo la’aantu badato waxa hoos u dhacaya cashuuraha
dawladu hesho, waxaanna hoos u dhacaya mashaariicaha ay fulin jirtay
iyada oo dawladu xooga saareyso shaqo abuur iyo shaqaaleysiin kala
duwan.

Marka dadka shaqeeyaa badan yihiin waxa kordhaya dhaqaalaha waddanka,
waxaana kordhaya mashaariicaha ay dawladu fuliso ee kala duwan ,
marka dadka shaqeeyaa bataan waxa iyana bata kor u kaca waxbarashada
iyo in dadku xooga saaraan innay aqoontooda sii laban laabaan.

Sidoo kale haddii xaalada shaqo la’aantu badato waxa ay sababtaa
tahriib, iskooxeysi iyo in jabhado bilaabmaan taasna waxa ay caqabad
ku noqonaysaa dawladda oo awood badan iyo dhaqaale looga baahan yahay
innay geliso sidii loo yareyn lahaa.

Sidee ayaa haddaba shaqo ku helaysaa aniga aragtidayda?

Shaqo: waa hawl la qabanayo oo ujeedo laga leeyahay, In shaqo
la’aanta laga wado baxo maaha hawl fudud se waa mid kolba qayb laga
bixi karo, waxaanay ku xidhan tahay xaaladda guud ee caalamka, xaalada
guud ee halka aad ku nooshay, xaaladda guud ee dhaqan dhaqaale ee
dalka aa degan tahay, haddaba haddii aad dooneysid innaad ka baxdid
shaqo la’aanta ku haysa waxaa lagaaga baahan yahay in aqoontaadu
tahay baahida suuqa taalla ama xirfadaada shaqo loo baahan yahay,
haddii aannad xirfadda maanta loo baahan yahay aannad lahayn waxaad
isku daydaa innaad baratid oo aad heshid xirfadaha shaqo ee loo
baahan yahay.

Aqoon: aqoontu waa garashada, waayo-aragnimadda, xaqiiqada, xirfadda,
fahanka, casriga iyo cilmiga wax lagu beddelo, waa shayga maanta
dunida iyo caalamkaba kala kaxeeyey ee midb meel gaadhsiiyey, waxa la
isku erynayaa waa heerarka aqooneed ee la gaadhey, marka hore wax baro
, aqoon kala duwan baro, adigoo markasta aqoontaada ku dabaqaya
baahida suuqa ee shaqo ee loo baahan yahay, maanta aqoonta loo baahan
yahay waa aqoonta xirfadaha iyadoo ta diiniga ahi tahay nolosha
bilawgeeda haddana aqoonta labaad ee aad iyana ku shaqo tagi kartaa
waa xirfado kala duwan oo aad yeelatid, markaad shaqeysatid ee aad
dedaashid ayaad xafiis cad iyo kursi cad ku fadhiisan oo laguu shaqeyn
doonaa ee taa niyada gali oo markiiba xafiis ha niyeysan eehalganka
nolosha bilaw.

Innaad shaqo diyaar u tahay:- marka hore naftaada ka dhaadhici innaad
shaqodoon tahay, ama aad shaqeysan kartid, ha iskuna haleyn xoolaha
waalidkaa, xoolaha saaxiibkaa ama walaalkaa waayo haddii aanad u
shaqeyn iyaga oo ay biil ku siiyaan jooji oo shaqo iyo nidaam hal
abuur ula tag.

In shaqo doonka/raadiska la badiyo subaxkasta :- waa in la booqdo
goobaha sida shirkadaha waaweyn iyo ururada kala duwan ee dalka ka
wada shaqooyinka

In aan Online/ habka fog oo kaliya aan shaqo laga codsan :- waa in
loo tago shirkadaha waaweyn ee dalka maxaa yeelay shirkadaha dalka
qaarbaan shaqooyinkaba aan xayaysiinba.

Hal abuur cusub iyo hab cusub:- hal abuur cusubi oo aad keentid waxay
abuureysaa innaad shaqo heshid tusaaale dhallinyarada keenay fikirka
Dhaweeye maanta iyaka ayaa ku shaqeysta oo ka shaqeysta.

Ku xidhnaanshaha Websiteyada:- ku xidhnaw goobaha iyo jariiradaha
lagu baahiyo Shaqooyinka sida Somali jobs, Shaqodoon, SYG, iwm.

In la la yeesho aqoonta waraysiga iyo imtixaanka:- waa in la fahmo
qaababka wareysiga loo qaado.

Aqoonta loo baahan yahay baro:- waa In aqoonta la baranayo ay noqoto
ta loo baahan yahay ee baahideedu suuqa taalo.

In aan la niyad jabin oo niyada la galiyo waad helaysaa shaqo:- waad
heli kartaa shaqo, waad shaqaysan kartaa, waad gaadhi kartaa, waanad
dhaafi kartaa kuwa shaqaysta.

In shaqo loo diyaar garoobo :- waa in hurdada laga kaco, subaxkasta
salaada ka dib la baxo, Alle la baryo ka dibna qorshe iyo qaab loo
sameeyo sidii shaqo loo heli lahaa, haddii la waayo shaqo, waxaad
samayn kartaa ganacsi ayaad abuuran kartaa, wax soo iibi wajaale ama
dubai, ama chine u dirso, waxa aad is leedahay waa loo baahan yahay oo
aad hubisay bilaw, waan ogahay in ay culus tahay in dhaqaale la hellaa
se sikasta samee oo aad ku helli kartid, amaaho, waalidkaa la wadaag
waata marka la tahriibaba la bixiyo kumanaanka kune.

La xidhiidhka shaqaalaha shirkadaha: – waa Innaad asxaab ku yeelatid
shirkadaha iyo hay’adaha kaas oo kula wadaagaya kolba wixii fursad ah
ee jirta, ama si joogtaa ula xidhiidh qofka haysta qaybta shaqaalaha
iyo soo dhaweynta si aad xog shaqo u waydiisid ama ay kuugu sheegaan
in shaqo soo dhawdahay.

Sammeyn fikir cusub :- ama in aad waddooyinka la martid boodh ah
waxaan ahay shaqo doon iyo xirfadda aad leedahay taasi waa mid innagu
yar se inta samaysaa waxay hellaan jawaab iyo shaqo

U shaqee si mutadawacnimo:- haddii aad heshid meel aad ugu shaqeyn
kartid mutadawacnimo bilaw haddii lagugu qanco waxaad noqon kartaa
shaqaale joogto ah waxaanad heli doontaa gaadhi raac iyo nususaace.

In shirkadaha cusub ee dalka imanaya isha lagu hayo:- shirkadaha
cusub ee dalka imanaya ama la abuurayo haddii aad ogaatid waxaad
haysata jaanis shaqo oo kuu dhaw, ha ka fogaan is barta, shaqo ka
codso, in badan xafiiskooda booqo, haddii aanay shaqo hayn codsi
“internship “ Mutadawacnimo, taasi waxay ku siineysaa fursad ah innaad
shaqo heshid.

Goobaha shaqooyinka lagu soo bandhigo oo la tago:- waddankeena waa ay
ku yar-yihiin carwooyinka shaqadu se haddii aad ka war heshid ka
shaqee oo ka wardoon goobahaas iskana diiwaan gali laga yaabaa in aad
nasiib u yeelatid shirkad kuu baahan.

La soco qaybaha dambe

Farxaan Maxamed Xasan “ Rakad”

Berbera

farxaanmxd@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker