Taliyaha Ciidanka Qaranka Aagga Bari oo ka Hadlay Tirada Meydadka Askartii Puntland ee soo Duushay ah oo ay Wareejiyeen

Taliyaha ciidanka  qaranka Somaliland ee aagga Bari Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen,ayaa sheegay in ay meydad badan oo ka mid ah askartii duulaanka ku soo qaaday Somaliland ee Puntland ka soo duushay in ay soo uruuriyeen oo ay ku wareejiyeen odayaasah deegaanka si loo aaso iyadoo la illaalinayo Islaamnimada iyo waxa la isku yahayna aanay Somaliland dhaqan u lahayn in ay cidla ku eegto Meydadka cadawga soo duulay oo ay uga tagto in ay dugaagu cunaan.

 

 

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ciidanka qaranka Somaliland cidna aanu duullaan ku ahayn dagaalna aanu hammuun u qabin laakiin fadhiisimadoodii lagu soodoontay ciddii ku soo doonatay ee duulaanka gardarada ah ku soo qaadaynay ay dhadhamisay dhirbaaxo kulul oo ay dhabarka kaga jabeen oo ay xataa meydadkoodii iyo dhaawacoodii ka yaaceen “Maleeshiyaadka Putland ee Soomaaliya waxay weerar ku soo qaadeen jiidda hore ee Tukaraq ee ciidanka qaranka waxaana ka raacay jab iyo ruwaayadii ay isku soo sheegeen oo la beeniyay anagoo tixgelinayna walaalnimada derisnimada iyo Islaamnibadaba waxaanu illaa xalay ilaa saaka(shalay) aanu ururinaynay Meydadka askartii Puntland ee duullaanka soo qaaday ee dagaalka kaga dhimatay oo ay qaadan kari waayeen oo ay ka carareen waxaanan ku wareejinay odayaasha deegaanka,meydad kale oo badan oo hadda la soo helayna way jiraan oo iyagana aanu odayaasha ku wareejin doono qaarna odayaasha ayaaba soo qaaday.”

 

 

Sarreeye Guuto Cali Barre Xuseen oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “waxaanu tixgalinaynaa waxa laysku yahay dagaalna hammuun uma qabno laakiin cidii hammuunta u qabtay dagaalku way heshay faa,iidadisii oo waanagaa meydadkooda halkii lagu dagaalamay ka ururinayna ciidanka qarankuna guul ayuu gaadhay gaadiid dagaal iyo hub iyo maxaabiisba waanu haynaa kumana faanayno ee ciddii doonaysay in ay dagaal ku faanto ayuunbaa qasaaruhu gaadhay oo dhirbaaxo kala kulmay ciidanka qaranka.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker