Khubaro Saadaalisay Cidda Qaadi doonta Koobka Premiere League

Halyeeyada kooxaha Manchester United iyo Liverpool ee Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa saadaaliyay wax badan oo kamida kubadda cagta xilli ciyaareedkan .

Gaar ahaan Horyaalka Premier League iyo waliba tartanka Euro ee xagaaga dambe qabsoomaya.

 

Carragher iyo Neville ayay dad badani u arkaan khubarada kubadda cagta ka faaloota kuwooda ugu fiican iyagoo Sky Sports ku dhiibta aragtiyahooda xiisaha leh iyo waliba madadaalin badan.

 

Neville iyo Carra ayaa markan saadaaliyay kooxda ku guuleysan doonta Premier League,

 

Kooxaha afarta sarre ee Champions League lagu galo kusoo baxaya, kuwa heerka labaad u daadegaya iyo waliba xiddiga ay tahay in isha lagu hayo.

 

Dhinaca kale waxa ay saadaaliyeen xulka ku Guuleysan doonta tartanka wali lagu magacaabo Euro 2020 balse qabsoomi doona 2021 iyo heerka uu ka gaadhi doono xulka qaranka England.

 

Saadaasha Gary Neville

Kooxda Horyaalka Qaadaysa: Liverpool

 

Afarta Kaalmood Ee Sarre: Manchester City, Manchester United iyo Tottenham Hotspur

 

Kooxaha Heerka Labaad U Degaya: Sheffield United, West Bromwich Albion iyo Brighton & Hove Albion

 

Xiddiga Ay Tahay In La Daawado: Paul Pogba

 

Xulka Ku Guuleysanaya Euro 2020: Spain

 

Heerka England Ka Gaadhayo Euro 2020: Semifinal.

 

Saadaasha Jamie Carragher

Kooxda Horyaalka Qaadaysa: Liverpool

Afarta Kaalmood Ee Sarre: Manchester City, Manchester United iyo Chelsea

Kooxaha Heerka Labaad U Degaya: Sheffield United, West Bromwich Albion iyo Fulham

Xiddiga Ay Tahay In La Daawado: John Stones

Xulka Ku Guuleysanaya Euro 2020: France

Heerka England Ka Gaadhayo Euro 2020: Semifinal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker