Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Al-shabaab ee magaalada Masagawaa

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Masagawaa, kadib markii weerar ku billowday qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen subaxnimadii hore ee saaka.

Inkasta oo ay adagtahay xaqiijinta khasaaraha dagaalka saaka, ayaa haddana, wararka laga helayo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarkaas ay ka mid ahayeen odayaal dhaqameed iyo dad kale oo rayid ah.

Gen Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay duullaan kusoo qaadeen Masagawaa, laakiin sida uu yiri ay ku hungoobeen inay qabsadaan magaalada, isla markaana hadda magaalada gacanta ku hayaan ciimadama dowladda iyo dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kadib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Budbud ee isla Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker