Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Lafa-Ruug Oo U Dhaxaysa Berbera Iyo Hargeysa Iyo Khasaaraha Dhimashada Ee Ka Dhalatay

Shil gaadhi ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanka Lafa-ruug iyo Xamaas oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

 

Shilkan gaadhi ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale.

 

Shilkan baabuur ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo waaweyn oo kala ah gaadhiga loo yaqaano Waaraadka ama Candho-Meydle iyo Bas kuwa rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda Damal.

 

Dhinaca kale waxa isla maalintii shalay shil culus uu ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawax, waxaanu shilkaasi shalay ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker