Digniin loo diray raysal wasaare Abiy Axmed

Guddiga billada Nobel-ka ee Norway ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas.

Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Hal sano uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker