Nin Abaalmarin Ahaan U Helay $1 Bilyan Oo Doolar balse muxuu ku mutaystay?

Milkiilaha shirkad lagu magacaabo Xiaomi ayaa helay abaalmarin uu qiimaheedu gaarayo inkabadan £735milyan oo gini oo u dhiganta ku dhawaad $1 bilyan oo doolarka mareykanka ah.

Abaalmarinta ayaa waxaa bixay isla shirkaddan taleefannada casriga ah soo saarta ee dalka Shiinaha.

Bixinta lacagtan ayaa lagu xaqiijiyay xisaab xirka sannadlaha ah ee ay shirkaddu sameysay 2018-kii.

Mas’uuliyiinta maamulka shirkadda taleefannada soo saarta ayaa horay u sheegay in qorshahoodu uu ahaa in abaal marintaas saamiga ku saleysan la siiyo Lei Jun, isagoo looga mahadnaqayo dadaalkii uu muddo 8 sano ah u galay inay kor u kacdo.

Mr Lei ayaa isagana dhankiisa ballan qaaday in kharashkaas oo idil uu ugu deeqi doono “hawlo samafal ah” isla markii laga goosto canshuurta.

Mr Lei ayaa ballan qaaday in lacagtan uu ku bixin doono howlo samafal ah

Lacagtan oo laga soo saaray Saamiyo gaaraya 636.6 malyan oo shirkaddan ay leedahay ayaa qiimaheeda lagu sheegay 7.54bilyan oo doolarka Hong Kong ah.

Bixinta lacagtan ayaa timid xilli bishii Luulyo ee sannadkii lasoo dhaafay ay shirkaddan saamiyadeeda ku gabidhacleynayeen suuqyada Hong Kong.

Kobac dhakhso ah

Shirkadda Xiaomi oo uu fadhigeedu yahay magaalada Beijing ayaa sanadkii 2018-kii ahayd shirkadda 4-aad ee ugu weyn caalamka ee soo saarta taleefannada casriga ah, sida ay shaacisay hay’adda cilmi barista dhinaca suuqyada ee IDC.

Waxaa saddexda kaalmood eek a horreeya ku jiray shirkadaha Samsung, Apple iyo Huawei.

Xiaomi oo hadda 9 sano jirta ayaa iibinta taleefannada ka billowday UK bishii Nofembar ee sannadkii 2018-ka, iaydoo sidoo kale geysay qalab kale oo koronto ku shaqeeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker