Dadka gobolka Maine ee Mareykanka oo loogu baaqay in ay feejignaadaan

Weli waxaa la raadinayay eedaysanaha weerarka toogashada ah gaystay oo baxsaday.Toogashada ayaa ka dhacaday magaalada Lewiston ee gobolka Maine, waxaana ku dhintay ugu yaraan 16 qof tiro kalena way ku dhaawacantay.

Booliisku waxay weli raadinaya ” ninka hubaysan oo khatar ku ah ammaanka ah” sida ay boolisku sheegeen.

Robert Card, oo ah ninka lagu eedeynayo weerarka ayaa la sheegay inuu yahay nin hubka si wanaagsan u yaqaanna oo soo qaatay tababar booliis.

Dadka deggan Lewiston iyo Lisbon u dhow ayaa loo sheegay in ay feejignaadaan.Ninkaan waxaa la sheegay inuu waqti ku soo qaatay xaruun caafimaad oo dhanka dhimirka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker