Dawladda Austria Oo Todoba Masaajid Xidhaysa Islamarkaasna Afartan Imaamna Masaafurinaysa

AUSTRIA(OWN)- Austria ayaa sheegtay in ay xidhayso todoba masaajid, tiro ururro diimeed ah oo lacago ka hela dibadda iyo in sidoo kale ay mastaafurinayso afartan imaam.

 

Ra’isal Wasaare Sebastian Kurz ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in lagaga hor tago Islaamka siyaasadaysan, waxaanu sheegay in bulsho bulshada dalka baal socota aan laga ogolayn Austria.

 

Tallaabadani waxay daba socotaa baadhitaanno maamulku ku hayey dhawr masaajid oo Turkigu dhaqaale siiyo.

Horraantii sannadkan ayaa waxa soo baxay sawirro muran dhaliyey oo muujinayey dagaal ka dhacay goobta la yidhaa Gallipoli xiligii Dagaalkii Labaad ee Dunidu socday oo mid ka mid ah masaajidadaas la xidhay {ardayda wax ka dhigataa} mataleen. Waxaana caruurta loogu labisay tuutihii askarta Turkiga.

 

Af-hayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin, ayaa yidhi talaabadaa Austria waxay caddayn u tahay mawjaddaha Islaam nacaybka iyo cunsuriyadda ah. Waxaanu ku eedeeyey Vienna in ay macaash raqiis ah ku doonayso bulshada Muslimiinta ah ee ay beesanayso.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker