Gobol dhan oo xayiraad loo galiyay bililiqo dadkiisu gaysteen

Guddoomiyaha gobolka Adamawa ee dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay bandow 24- saac ah kadib markii la bililiqeystay baqaarro cuntooyin ah oo ku yaalla caasimadda, Yola ee gobolkaas.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay boqollaal qof oo jabsanaya baqaarro kana qaadanaya jawaanno galley ah, kartoomo baasto ah iyo agab kale.

Guddoomiyaha goblka Axmadu Umaru Fintiri, ayaa laamaha ammaanka faray in ciidamo loo daad gureyo goobaha muhiimka ah si ay u dhaqan galiyaan bandowga la soo rogay.

Bishii la soo dhaafay Nigeria ayaa meesha ka saartay kabkii shidaalka taasi oo keentay in sicirka shidaalku uu sare u kaco.Dhaqaalaha dalkaas ayaa horey waxaa u wiiqay cudurkii covid-19.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker