Maleeshiyo Oromo ah oo Shan qofoo Soomaaliya ku gowracday tuulada Guuleed ee Ehtiopia

Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Oromada dalka Itoobiya waxaa ay sheegayaan in shan nin oo Soomaali ah la gowracay.

Ragga Soomaalida ah ayaa lagu gowracay Tuulada lagu magacaabo Guuleed oo u dhaxeysa labada Ismaamul ee Soomaalida iyo Oromada.

Maxamed Maxamuud oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida uu wali ka socdo Gobolka .

Waxaa uu sheegay in dilalka labada dhinac ay maalinlle uga dhacaan degaanka islamarkaana Ragga Oromada iyo Soomaalida ay is ugaadhsi isku hayaan.

Waxgaradka degaanka ayaa ka digaya in ay xaaladda ka sii darto iyaga oo sheegaya in ay dhici karto musiibadii sanadkii hore oo kale markaas oo labada dhinaca ay boqolaal qof iska dileen sidoo kale dad ka badan hal milyan ku barakaceen dagaalka labada Qowmiyadood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker