Hooyo Somali Ah Oo Lasoo Taagay Maxkamad Ku Taal DENMARK Oo Lagu Eedeeyey Inay Caruurteeda Jir-dil U Gaysato

Hooyo Somaliyed oo ku nool Dalka denmark isla markana heesata 6 caruur ah ayaa lasoo taagay Maxkamad iyadoo lagu eedeeyey in ay jirdil u geesatay lixdeeda caruur.

 

Xeer ilaaliyaha kiiskan ayaa hooyada Somaliyed ku eedeeyay in ay Caruurta garaacday , sidoo kale waxaa Wareysi laga qaaday caruurta oo ku aadan dhibaatada ay la kulmeen sida dil loogu hanjabay.

 

Kiiska hooyada ayaa ka furmay Maxkamada Todobaadkii aan soo dhafnay waxaana la filayaa in lasoo gabagabeeyo dhawaan kadib markii mudo 5 maalin ah loo qabtay.

 

Dowlada Denmark ayaa xukuno ku riday hooyooyin lagu eedeeyay jirdilka Caruurtooda waxana dhawaan hooyo somaliyed oo lagu eedeeyay jirdilka gabar 11 sano jir ah oo ay dhashay lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

 

Xigasho/Fyens.dk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker