Dawladda Somaliland oo Maamulka Puntland Kala wareegtay Eedaysane hore ugu Baxsaday Maamulkaasi

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya kala wareegtay eedeysane loo haysto dil uu ka geystay gudaha Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool oo uu hogaaminayo taliyaha qaybta booliska ee Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni ayaa ciidanka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya kala wareegay nin maxbuus ah oo ku eedeysan dil uu qof shicib ah ugu geystay magaalada Hargeysa.

 

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad-celiyey ciidanka amniga ee maamul goboleedka Puntland, sida wanaagsan ee ay ugu soo gacan geliyeen eedeysanaha dilka ka geystay Somaliland, wuxuuna taliye Gooni intaas ku daray in wada shaqeyn wanaagsan oo dhanka isugudbinta dambiileyaasha ahi ka dhaxayso Somaliland iyo maamulka Puntland.

Wuxuuna taliyaha qaybta ee gobolka Sool uu u mahad-celiyey saraakiishii ku wareejisay maxbuuskaas eedeysanaha ah iyo madax-dhaqameed uu sheegay in ay gacan ka geysteen sidii loo soo qaban lahaa maxbuuskaas looguna soo wareejin lahaa Somaliland oo uu dambi ka galay.

Sidoo kale, gaashaanle dhexe Kayd Cismaan Muxumed oo ka tirsan saraakiisha ciidanka qaranka oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in labada dhinac iska kaashadaan cidii dambi ka geysata labada dhinac.

Geesta kale, saraakiishii iyagu soo dhiibay maxbuuskaas eedeysanaha ah ee maamulka Puntland, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in saraakissha ugu sareysa maamulka Puntland ay ka shaqeeyeen sidii eedeysanahaas loogu soo gacan gelin lahaa Somaliland, isaga oo xusay in ayna ahayn markii ugu horeysay ee ay Somaliland iyo maamulka Puntland isu celiyaan eedeysanayaal dambiyo ka kala galay labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker