Ruushka oo hanjabaad u diray wariyeyaasha dalalka reer galbeedka

Ruushka ayaa ku hanjabay tallaabooyin adag oo ka dhan ah saxafiyiinta reer galbeedka ee fadhigoodu yahay dalkaas, haddii Midowga Yurub uu cunaqabatayn ku soo rogo qaar ka mid ah warbaahintooda.

Horaantii bishaan, ayaa la sheegay in mid ka mid ah wakaaladaha wararka ee Ruushka iyo dhowr hay’adood oo warbaahin ah laga yaabo in lagu daro wareegga xiga ee cunaqabateynta Midowga Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Moscow ayaa sheegtay in haddii ay tani dhacdo, mas’uuliyiinta Ruushku ay uga jawaabi doonaan wariyeyaasha “xawaare hillaac ah oo aad u xanuun badan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker