Muhaajiriin U dhashay Dalka Ethiopia Oo Gaajo Iyo Haraad Ugu Dhintay Dooni kula Xumaatay Xeebaha Yemen.

Ugu yaraan 15 Ethiopian ayaa ku geeriyootay dooni ay ku tahriibayeen o oku cilladowday Badda, taasi oo keentay inay muddo isbuuc ah helin biyo iyo baad ay cunaan.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM waxay ka soo xigatay dadkii ka badbaaday doonifaasi inay sheegeen in qaar ka mid ah u geeriyooday baahi iyo biyo la’aan, halka kuwo kalen ay ku hafteen badda.

Qoraal ay Hay’adda IOM soo dhigtay Twitter-kooda waxaa lagu xusay inay Muhaajiriinta Ethiopianka oo doonida ka raacay Xeebaha Jabuuti, kuna sii jeeday Yemen inay doonidii ay ku tahriibayeen badda ku jabtay, taasina ay keentay inay qaarkooda u geeriyoodaan macluul.

Tiro ka mid ah Muhaajiriinta oo gaaray Xeebaha Yemen ayaa iyagana geeriyooday, kadib, markii ay heli waayeen Kaalmo Daaweyn Caafimaad.

Doonidaasi oo ay asal ahaan la socdeen 90 Muhaajiriin Ethiopian ah ayaa waxay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay gaareen Dekedda magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen, sida ay Hay’adda IOM sheegtay.

Ma kala cadda xaalladda ay ku sugan yihiin kuwii ka badbaaday dhacdadaasi.

Bishii May ee la soo dhaafay, Hay’adda IOM waxay ku baaqday in la sii daayo in ka badan 3,000 oo Muhaajiriin badankooda Ethiopian ahaa, kuwaasi oo lagu hayey Labo Xarun oo ku kala yaallay magaallooyinka Cadan iyo Gobalka Lahaj ee dalka Yemen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker