Urur Goboleedka IGAD oo Dawladaa Jabouti u Igmaday inay dhex dhexaadiso Somalia iyo Ethiopia

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray in ay xal ka keento Khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya .

 

Isla markaana Dawladda Jabouti ayaa sharraxaad ka bixisay tallaabooyinka ugu horreeya ee ay u qaadi doonto arrintaas.

 

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dowladdoodu ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay soo afjaridda xiisadda u dhaxeysa labada dal ee dariska ah.

“Waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Shirkii ugu dambeeyay IGAD ee ka qabsoomay Jabuuti .

Ayaa arrintaas lagu soo hadal qaaday waana la isku waafaqay. Waxaan sii wadi doonnaa inaan dajinno xiisadda ka taagan gobolka,” ayuu yidhi Wasiirka.Yuusuf.

 

Wuxuu sharraxaad ka bixiyay halka ay howsha loo igmaday ka billaabi doonaan.

 

“Barito waxaa dalka Jabuuti imaan doona wafdi heer sare ah oo isu jira saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin,

 

kuwaasi oo ka imaan doona Soomaaliya, ujeeddada socdaalkooduna waxay ahaan doontaa in la qiimeeyo xaaladda xuduudda ee Beledxaawo iyo Mandheera.

Tani waa howl ay dalka Jabuuti u igmadeen madaxda IGAD,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta,

 

Ayaa maalintii Isniinta ee horaantii isbuucan isku arkay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD ee ka dhacay magaalada Jabuuti.

 

Hoggaamiyeyaasha IGAD oo daneynayay in la dajiyo xiisadda labada waddan ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu dhaqaaqo tallaabadaas

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker