Daawo Musharaxa Ugu Cadcad Doorashada Mr Maxamed Cabdilahi Kaahin oo Wacdaro ka Muujiyey Kormeerkii Gudoomiye Ciro ee Gobolada Barigga

Waxaanu halkan idiinku soo gudbineynaa mitten kamida kormeeradii UGU saameynta badnaa Somali kaasoo uu gudoomiyaha xisbiga Wadani Mr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro & wefti balaadhan uu hogaaminayey ay kusoo mareen goobo Badan oo kamida gobolka Togdheer & Gobolka Daadmadheedh kuwaas oo ay ka socotey säga diiwaangelinta & Qaadashada kaadhadka doorashadu ,
Waftigan oo uu hogaaminaayey Guddoomiyaha oo ay weheliyaan Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiya Kayse Faarax, Xoghayaha Abaabulka Iyo Wacyigelinta Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Xoghayaha Qorshaynta Mudane Bashiir Cabdi Xariir masuuliyiin Ayaa waxaa sidoo kale qeyb Weyn oo muuqata ka qaatay wacyigelinta bulshada deegaankaa Maxamed Cabdilahi Kaahin oo ah musharax u taagan doorashada baarlamaanka oo isagu waftiga gudoomiyaha kamid ahaa,
Xildhibaan Maxamed Cabdilahi Kaahin oo isla markaana ah gudoomiyaha Xisbiga Wadani laanta dalka Sweden oo ah shakhsi si weyn uga soo shaqeeyey xisbiga Wadani & sidii uu guul u gaadhi lahaa hormuudna ka ahaa in xisbiga Wadani uu aaa gå, aansaday inuu dedaalkiisa & waxqabadkiisa uu u wareejiyo dalkii si uu vax ugu qabto shacabka reer Somaliland isla markaana uu vax uga bedelo noloshooda taasoo ah ta uu isugu sharaxay inii kamid noqdo baarlamaanka Somaliland
Dadka Reer Somaliland ee Sweden & kuwa Yurub ayaa sheegey in Mr Maxamed Cabdillahi Kaahin uu yahay nin karti aad u badan leh isla markaana wax badan ka qaban kara arimaha Somaliland hadii loo doorto baarlamaanka Somaliland iyagoo shakabkaiiii hore loosoo arkay waxqabadkooda sida Musharax Maxamed Cabdillahi Kaahin,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker