Congresska Maraykanka oo su’aalo weydiiyey maamulaha TikTok

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka ayaa su’aalo weydiiyey maamulaha shirkadda TikTok, iyaga oo walaac xooggan ka qaba, bedqabka macluumaadka shakhsiga ah ee isticmaalayaasha shabakadda TikTok.

Markhaatifurka uu golaha Congresska ka hor sameeyey Shou Zi Chew oo ah maamulaha guud ee shirkadda TikTok ayaa ku soo aaday waqti muhiim u ah shirkadda, taasoo ay haatan isticmaalaan in ka badan 150 milyan oo shacabka Mareykan ku nooli, laakiin wuxuu cadaadis badan kala kulmayaa saraakiisha Mareykanka.

TikTok iyo shirkadda iska leh ee ByteDance ayay saamayn ku yeelatay loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha, ee dhinacyada ganacsiga iyo tignoolajiyada.

Intii uu socday kulanka dhex maray xubnaha Congresska Maraykanka iyo maamulaha shirkadda TikTok, ayaa xubnaha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu waxat maamulaha TikTok aad ugu cadaadiyeen inuu jawaabo iyo ballanqaad rasmi ah ka bixiyo, bedqabka macluumaadka isticmaalayaasha Maraykanka, iyo sida uu ku xaqiijin karo inaanay dawladda Shiinu fursad u heli doonin, ay ku heli karto xogtaas.

“Mudane Chew, waxaad halkan u joogtaa sababtoo ah dadka Maraykanku waxay u baahan yihiin runta ku saabsan khatarta TikTok ay ku hayso amniga qaranka iyo midka shakhsi ahaaneed,” sidaa waxaa tidhi Guddoomiyaha guddiga Cathy McMorris Rodgers, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyada oo hadalkeeda sii raacisay. “TikTok waxay si isdaba joog ah u dooratay waddo loo maro xakameyn dheeri ah, ilaalin dheeri ah iyo wax isdaba marin badan.”

Chew, oo ah 40 jir u dhashay Singapore, ayaa u sheegay Guddiga Tamarta iyo Ganacsiga ee Aqalka wakiillada in TikTok ay mudnaan siiso badbaadada isticmaaleyaasheeda da’da yar, wuxuuna beeniyay eedeymaha ah in ay khatar ku tahay ammaanka qaranka. Waxa uu ku celiyay qorshaha shirkadda ee lagu ilaalinayo xogta isticmaalaha Maraykanka iyada oo lagu kaydinayo dhammaan macluumaadka noocaas ah server-o ammaan ah oo ay leedahay shirkadda weyn ee software Oracle.

Dawladda Maraykanka iyo dawlado kale oo reer galbeedka ah ayaa doonaya inay mamnuucaan barnaamijkan, iyaga aad uga cabsi qaba inuu fududaynayo in dawladda Shiinuhu ay galaangal u yeelato xogta muwaadiniintooda, taas oo ay u arkaan inay dhaawacayso amniga Qaranka.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker