SAAMIQAYBSIGA REER SOMALILAND WAXAA HORTAAGAN REER AWDAL IYO XUKUUMADDA-BAROORTU ORGIGA KA WEYN.

Haddaynu reer SOMALILAND nahay dal xiddigaha iyo dayaxa ku yaal sidii awrkii cirka ma nihin ee dunidan ilaahay ictiraafay  ee aynu la mid nahay waxaa  saami qaybsigeedu yahay  mid isku  mida oo aasaaskiisa koobaad yahay tirada dadweynaha rag iyo dumar wixii  qaangaadha. Wax cilmi iyo dhaqaale  inaga horjoogo  maaha inaguunbaa Iska Oromo noqonay intaynu shaqaysan lahayn wax walba gaal  xun ah wax ka baryeyna.

Haddaynu dulucda maqaalaygan hoos ugu daadegno Waxaan UMMADDA ugu bayaaminayaa in reer Awdal saamiga  qaybsiga xaq  darada ah ee ay ku  dhololayso oo weliba la ogyey  inay kordhin xaqdaro at helidoonaan aakhirka sababta awgeed xukuumadaha Kulmiye  marina ma ogola in dadka la tiriyo oo gobol walba xaqqiisa helo. Haddii  dadka la tiriyo waa la ogyey in Hargeysi dulmantay oo Harti dulmanyey oo Habro kale dulmanyihiin.  Haddii  process kaa xaqa  ah la  raaco  ee dawladaha adduunkoo dhami raacaan gobolada iyo degmooyinka xildhibaano aanay xaq u lahayn haystaan badhida ayey dhulka ku dhufanayaan  oo Awdal iyo gebiley u horayso laakiin dulqaadka ilaahay baa  ammaanay oo goor ay noqotaba xaqu ama xal buu ku iman ama xoog  buu ku iman.
Reer  Awdal Xukuumadaha  SOMALILAND  sir bay ka hayaan oo waa waxay goljilicda u qabanayaan, waxay ogyihiin  siyaasada Xukuumadda oon ogolayn  inay ummadda tiro koobto oo gobol walba xaqiisa siiso,  markaa waxay qayliyaanba reer Awdal Afar ilaa shan kale oo xildhibaan baa Xukuumaddu iskaga aamusiin doontaa si aan gobolada kale xaqooda u helin.
Waxaa badan waxyaale kaloo  badan oo horuumarka dadka ah oo xukuumaddu hortaagan tahay  si in yari usii  dhuuqdo dhaqaalaha wadanka taasina guud ahaan waa u halis  SOMALILAND  oo dhan. Waxaa inagu  soo socda dawladdii SOMALIA ee aynu ka tagnay oo sii xoogaysansysa  system  ahaan iyo caalami ahaan waxba  qaraxa yar yar  ha eegina maanta Hawadii bay la wareegtay  waqtigay doonto  ayey odhanaysaa Jigjiga iyo Garawe  ayuunbaa laga soo degi karaa, waqtigay doonto ayey odhan  kata wixii caalamka ku  lugle oo dhan Mogadisho  iyo Garawe baa loo soo doonanayaa inana maanta xaalkeenna waa aragtaan iyo sidaynu u kala  daadsannay. Dadka way u wareegi haddaynaan isbedel siyaasiya Samayn  oo aan dadka  cilmiga iyo khibradda leh hormood laga dhigan. Imika wasiirada Qaar  waad  aragtaan oo bulshadii dab sudhaya iyagoo aqoon darro la hadlinayso.
Bashe Aw Bidhaanshe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker