CISBITAALKA QAAXA (TB da ) EE MAGAALADA HARGAYSA O QARKA U SAARAN INU XIDHMO

Waan halkan ka salaamaya dhamaan umada reer Somaliland ee jecel  hormarka iyo  geedi socodka wanaagsan ee dalkan ka hana qaaday  , waxa kale oo aan halkan ka salaamaya bahda caafimaadka  ee ku hawlan uu adeegida inta la wahel ka aha cafimaad darada , waxaan  si  gaar ah u salaamaya   inta aaminsan awood iyo qiimaha  qalinka iyo qoraalka .

Waxan jecelaysatay inan maanta idin la wadaago dhibaato dhinacyadu badan koobsatay oo  daris la noqday cisbitaalka qaaxda (TB da ) ee magaalada hargaysa

Cisbitaalka qaaxda  ee hargaysa waxa dhidibada loo taagay  badhtamihii qaranigii labaatanaad ee galbaday  waxa la xusaa inay taarikhdu ahayd markii la aasaasay xaruntan caafimad hiiladi 1945kii ilaa iyo waqtigaana xaruntani waxay ku talaabsatay horumar balaadhan oo la xidhiidha adeegyada ay siiso dhamaan dadka  halka u tag adeegayadaas .

In ka badan 95% adeegayada xarunta waa kuwa bilaasha ah sida ( daawada , shaybaadhka , jiifka iyo cuntada) xaruntani waa mid ka mid ah xarumaha cafimaad ee  ku abtirsada xarumaha cafimaad ee dawlada JSL waxan maamusha wasaarada hormarinta  cafimaadka ee JSl .

Waxa jira haayado  caalaami ah oo gacan ka geysta taageerida habsami u socodka  shaqo ee xaruntan kuwaas oo ku bixiya kumaankun oo doolas sanadkii  qarashaadkan ay bixiyaan  haayadan   aya u qaybsan sida tan

Gunno

Gunadan ayaa ah  kab lagu kabo mushahaka aan badnayn ee dawladu siiso  shaqaalaheeda ,  gunadan ayaa ah mid  si  joogta ah u helaan shaqaalaha cisbitaalkani

Qarashaadka kale :

Qarashaadka ay ka kooban shidaalka , is gaadhsiinta iyo dayac tirka kale  ee uu baahanyahay  cisbitaalku  waxa xusid mudan inay haayadahani bixiyaan dawada iyo qalabka caafimaad ee xaruntani u baahnatahay .

Cisbitaalka qaaxda ee magaalada hargaysa ayaa ku dhex  leh sumcad weyn calaamka iyo afrikaba isago  qiimayntu ugu danbaysay galay kaalmaha ugu sareeya  ee geeska afrika  ka dib marki qiimayn lagu sameeyay  qaabka shaqo ee xaruntan u shaqayso .

Bilawgi sanadkan ka dib markii ay dhacday doorashadi qabsoomtay dhamaadkii sanadkii 2017ki  isla markaan  la doortay xukuumada u hogaamiya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lana soo dhisay golaha xukuumadaas waxa  ka mid ahaa masuuliyiinta la soo magacaabay masuuliyada  wasaarada hormarinta caafimaadka ee JSL  oo dhigna sida tan

Wasiirka wasaarada hormarinta caafimaadka

Wasiir ku xigeenka  wasaarada hormarinta caafimaadka

Agaasimha Guud ee wasaarada hormarinta caafimaadka

Qaab dhismeedkan ayaa noqday mid farax galiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradaas isla markaan ka filayay  wax qabada iyo is badal togan inu bilaabma

Nasiib darro taas ma dhicin oo wasaraadi waxay noqotay mid fadhiid ah taas oo ay sabab u noqotay masuuliyiintimadaxweynuhu   idmaday oo u soo kala dhex galay khilaaf baahsan oo horseeday  in waxa badan oo  looga  fadhiyay masuuliyiintan la so magaacabay inay qabtaan ay noqdeen kuwa baaqsama  .

Khilaafkan ayay  I xaqiijiiyeen qaar ka mid shaqaalp weynaha wasaardaasi  inu salka ku hayo khaladaad tiraba dhawr jeer uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaradaasi DR Maxamed Cabdi Faarx ( XERGEEYE )  Kaas oo faro galin qaawan ku sameeyay shaqadi gaarka u ahayd wasiirka wasaaradaas , isticmaalayna awood ka badan tii sharci u ogaala , khilaafkan ayaa sababay in loo kala safto laba dhinac oo kala  ah wasiirka iyo  qaar ka mid ah agaasima waaxdeedyada wasaarada oo isku dhinac ah iyo agaasimaha guud ee wasaarada iyo wasir ku xigeenka oo isku dhinac ah khilaafkaas ayaa galaaftay isla markaa haleeyay waxa badan oo lo baahna in la qabto .

Xarumaha khilaafkani galaaftay waxa ka mid ah cisbitaalka qaaxda  ee magaalada hargaysa kaas oo shaqaalihiisi mudo 7 bilood ah aanay helin wax haba yaraate gunno ah taas oo keentay in ay niyad jab ku dhaco dhamaan shaqaalihii xaruntaas oo ay isugu darsantay gunno la,aan iyo khatar ay ku dhex jiraan oo ah inay dagaal kula jiraan xanuun ragadiyay bulsho badan oo muwadiniin ah,  niyada jabkaas iyo gunno la’aanta   ay horseeday in xanuunka qaaxdu haleelo tiraba dhawr ka mid aha shaqaalhi xaruntaas kuwaas oo kaw ka yahay agaasimahi xaruntaas.

HADABA WAXAY IS WEYDIIN LEH  YAA SABAB U AH IN GUNADAAS AY KA MAQNAANTO SHAQAALAHAAS MUDO INTAAS LEEG(January  ilaa imika 2018?

Siday ii  xaqiijiyeen xubno  ka cudur daartay  in magacyadooda  la xuso oo ka hawl gala xaruntaas waxay xuseen ina agaasimaha guud ee wasaraada hormarinta caafimaadka ee hadda  DR MAXAMED  CABDI FAARAX (XERGEEYE ) oo hore uga mid ahaa shaqaalaha  cisbitaalka qaaxda  ee magaalada hargaysa  uu yahay SHAKHSIGA  carqaladaynaya in la helo gunada iyago sheegay inu ahaa masuul caan ku ahaa  musuq maasaq iyo lunsi hanti badan  , eex, qabyaalad iyo waliba naas nuujin uu sameyn jiray xubno ay isku hayb yihiin mudadi uu ku shaqaynayay cisbitaalkaas sido kalena u dawada  qaaxda cisbitaalka uu ka raran jiray xarunta kuna iibin jiray  xarun u  gaar ah oo isagu leeyahay oo ka taal degmada kood buur ee ka tirsan hargaysa .

Waxaa  sido kale arinta ah in gunada shaqalaaha ee ay bixiso haayada WORLD VISION  ku kalkaalay  agaasiamha in la musuq maasaqo labad shakhsi oo  xaqiiqdi caan ku ah musuqmaasaq labada shakhsi oo kal ah

MUSTAFE  MAXAMED DUCAALE  oo ah u qaabilsan xafiiska  mashruuc qaaxda ee haayada world vision

Sayid  ismaciil xasan  oo ah u qaabilsanaha mashruuc xakamaynta  qaaxda  ee wasaarada hormarinta caafimaadka .

Seddexan masuul aya ah kuwa  isku hayb ah oo dhamaantoo qaraabo la ah madaxweynaha JSL  md muuse biixi cabdi  .

Haayada world vision ayaa ah urur aan dawli ahayn oo hawlo  badan oo an la mahadin ka dhex wada gudaha JSL wana urur can ku ah musuq maasaq oo halkan idin kula wadaagi doona link cadeynaya musuq maasaq ururka world vision oo ka dhacay gudaha dalka

http://www.somalicommentator.com/2017/01/29/world-vision-somaliland-internal-corruption-scandals/&hl=en-SO

 shaqaalahan aya Gebo gebadi waxay fariimo   si wada jir ah ugu direen madaxweynaha JSL iyo wasiir wasaaradaas inu wax qabta labada masuul ee tacadiga  qaawan ku haya shaqaalaha masakiinta ee ay gunadoodi caqabada ku yihiin labadan masuul ee ay carab ku adkeeyeen aya kala ah

MAXAMED CABDI XERGEEYE

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADA HORMARINTA  CAFIMAADKA  EEE JSL

SAYID ISMACIIL XASAN

MADAXA MASHRUUC XAKAMAYNTA QAAXDA EE WASAARADA HORMARINTA CAAFIMAADKA  JSL

Waxay kale oo ay soo jeediyeen ina odhit la galiyo xafiiska uu ka hawl galo masuulka lagu magacaabo  MUSTAFE MAXAMED DUCAALE ee  haayda world vision .

Waxay kale codsadeen in xaqoodi oo dhamays tiran ay helaan iyagoo sheegay ina shaqaalo ka soo jeeda qaar ka mid aha beelaha Somaliland laga reebay liiski gunada taa  badalkeedani lagu qoray dad aan ka hawl galin xarunta  oo ay isku hayb yihiin seddexan masuul oo si sharci darro dulmigaa qaawan kula kacaya dadka muwaadiniinta aha ee masakiinta .

Waxay cod wada jir ah kaga codsadeen madaxweynaha in inamada seddex ah ee adeerka u yahay umada ka qabto hadiil kale laGA  dhaxli doon midho aan la mahdin doonin .

 

LUDFI HAASHIM MAXAMED

JAMACADA ADMAS   

HARGAYSA  _ SOMALILAND

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker