Laacibka Weyn Leonel  Messi Oo Isaga Tegay Kooxda Barcelona

Laacibka Xulka Qaranka Argentina Lionel Messi ayaa isaga tegaya Kooxdiisa hore ee Barcelona, kadib markii Madaxda Kooxda ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Messi uu ka tagayo kooxda arrimo dhaqaale awgeed.

Leonel  Messi oo la qorsheynaya in uu caawa qalinka ku duugo heshiis shan sano ah iyo Madaxda Kooxda Barcelona ayaa ku hashiin waayay inay kala saxiixdaan hashiiska cusub ee uu kooxda ku joogi lahaa. waxaana Barcelona ay shaacisay in ugu dambeyn Messi uu macsalaameeyay Barca, ayna uga mahadcelinayaan waxkasta oo uu naadiga u soo qabtay, maadama uu kula soo guuleystay koobab badan oo muhiim ah.

Messi ayaa kooxda u saftay 778 kulan, waxaana uu u dhaliyay 672 gool, halka uu caawiyay 305 gool, waxaana uu kooxda la qaaday 35 Koob oo heerar kala duwan leh.

Lionel Messi oo heshiiskiisu dhacay bishii June ee aynu ka soo gudubnay ayaa Madaxda Barcelona waxa ay isku dayeen inay heshiis cusub ka saxiixdaan, balse dhaqaale yari kooxda heysato ayaa keentay inay iska fasaxaan, maadaama aysan awoodin dhaqaale ay ku ceshadaan xidigooda hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker