Dacawo ayaa Reer ka cuntey, Xadhkihii & Heeryadii Awrka la saarayey, Kolkaa waxay tidhi walee Reer aan ogahay ma guuro.

Dacawo ayaa Reer ka cuntey, Xadhkihii & Heeryadii Awrka la
                  saarayey, Kolkaa waxay tidhi walee Reer aan ogahay ma guuro.
                 Kolkaa Ceel Afweyne Nabadeedu Xidhmi mayso, Ina Kaahin oo
                Colaada u aaba ah ayaa dhex fadhiya Ergadii, Buur-Madaw & kuwii
               Cumaamadaha sitey ee Hubka & Musanawga wadayna ku lamaanyiin.
Culimada qabatey Ceel Afweyn Ilaahay haku soo asturo, Laakiin kolkuu kii Bel-
ayaada waday, hubka hoosta ka dirayey, xiitaa Heshiiskii labada beelood wax
& warqad kale ku daray, ee toban goore tegey, ee kuwii dhaarta jebiyey ku ra-
acsan ee Maxamed Kaahin uu dhex fadhiyo, uu go,aamo & qodoba kale oo isku & naar afuufkiiya uu yeedhinayo, sidey Colaadaasi u soo xidhmaysaa.
hadii aan meeshaa belaayo laga rabin, Culimada & waxgaradkii oo qudha &
labadaa Reer ayaa loo deyn lahaa Xukuumaduna duasha ayey kala socon lahayd.
Maxamed Kaahin, Gafaadhi & Saylici & Faysal & uwa hada joogaa imisa goor
ayey tageen, oo qoladii dhaarta jebisey waxba ka qaban waayeen, maanta ma
waxay wadaan waxyi kale, kolkaa Maxamed Kaahin kii Suldaankiisa Hubka u
raray, Kii Heshiiskii Labada beelood warqad kale ku lifaaqay, ka hoosta col-
aada ka hurinaya, wuxuu Nabad xidhayaa ma jirto, ee Umada Islaamka & Labada Reerba beenta uu Muuse & Ina Kaahin wadaan, ee Colaada hoosta
dushana Nabad beenbeena haka daayaan.
Maxaa siro la qaybsadey safafaf laysu kala madhay, Siraad laysu wada shidey
Lays sabar dahaayaa runta laga siaqaayaa, Salaan aan Niyo ahayn Gacmo laysku saaro, laysa soo dhaweeya.
Ilaahaw Colaada eel Afweyn Beelahaasi ka qabooji, Ilaahaw Dhiig cabyada
Muuse & Kaahin Jeegaanta belaayada hubka hoosta ka diraysa, dhiiga umada
ku macaashaysana Ilaahaw ka qabo.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker