War Deg-deg ah: Shirweynihii Beesha Isaxaaq Carre Ee Degmada Cadaadley Oo Lasoo Gaba-gabeeyey+Qodobo Laga Soo Saaray

Cadaadley (OWN)- Shirweynihii Beesha Isaxaaq Carre ee ka socday degmada Cadaadley ayaa maanta lasoo gabagabeeyey,  Shirweynahan oo todobaadkii ugu danbeeyey Beesha Isaxaaq Carre uga socday Cadaadley ayaa waxa ay beeshu kaga tashanaysay aayaheeda mustaqbal iyo horumarinta deeganada ay ka degan tahay Somaliland iyo Itoobiya .

No photo description available.

Shirweynahan  Beesha Isaxaaq Carre ayaa lagu doortay gudida guud ee beesha uga shaqayn doonta arimaha horumarinta deegaanada beesha oo ka kooban 17 xubnood . Shirkan oo ka madax-banaanaa arimaha Siyaasada ayaa waxa uu kulmiyey ayaa waxa uu kulmiyey dhamaan qaybaha kala beeshan ayaa dood iyo falan-qayn dheer waxa ay beeshu kazoo saartay  War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo u dhignaa sidan:-

 

War-murtiyeed

Beesha Isaxaaq Carre waxa ay baal dahab ah ka gashay halgankii dib u xoraynta dalka, Sidoo kale waxa ay beeshu qayb libaax ka qaadatay dib u heshiisiintii iyo walaalayntii beelaha Somaliland, Sidaa awgeed shirkani waxa uu soo jeedinayaa afar qodob oo kala ah:-

  1. Beeshu waxa ay taageersan tahay midnimada,wada-jirka iyo qaraninimada
  2. Beeshu waxa ay dawlada Somaliland uga fadhidaa xuquuqdeeda kaga maqan.
  3. Beeshu waxa nabadgalyo iyo jaar wanaag kula noolaanaysaa beelaha la jaarka ah iyo dhamaan beelaha Somaliland
  4. Beeshu waxa ay hambalyo u diraysaa isbedelka togan ee ka dhacay dawlada itoobiya , oo beeshu deegaan miisan leh ka degto ,waxayna ka rajaynaysaa inay ka heli doonto xuquuqdeeda deegaan, Sidoo kale waxa ay beeshu baaq u diraysaa dadweynaha beesha ka tirsan ee  dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya inay ka qayb-qaataan diiwaangalinta iyo tiro koobka dhawaan laga qaban doono guud ahaan Itoobiya

 

 

Alla Mahad leh

 

Image may contain: 3 people, including Hassan Abdi Haashi and Rashiid Awmaxamed, people sitting and beard

Image may contain: 2 people, people sitting, hat and crowd

Image may contain: 2 people, including Boqor Faysal, beard, outdoor and text

Image may contain: 1 person, text

Image may contain: 5 people, people sitting

Image may contain: 3 people, including Ali Jama and Rashiid Awmaxamed, beard, text and outdoor

Image may contain: 4 people, including Boqor Faysal, people sitting

Image may contain: 2 people, beard and text

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 22 people, including Suldaan Khidmo Abu Hodan, crowd and beard

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker