Jaaliyada Somaliland ee Wadanka Belgium iyo Raysal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magalada Brussels.

Raysal wasaare kuxigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Khadar Maxamed Guleed (Mahdi) oo booqasho shaqo ku joogay Xarunta midowga Yurub (European Union) ee ku taala Magalada Brussels ee Wadanka Biljim (Belgium) ayaa kulan kula yeeshay Magalada Brussels Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Belguim. Kulankaasi oo ahaa mid jawi dagan ku bilaabmay ayaa waxa uu Raysal Wasaare kuxigeenku ugu waramay Xaalada guud ee Wadanka Soomaaliya, Wada hadalada u dhexeeya Dowlada Federalka iyo Somaliland iyo arimo kale oo muhiima oo kulankaas laysla soo qaaday.

 

Waxa xubnahii haldoorka Jaaliyada ee kulankaasi ay iyaguna dhinacooga uga warameen xaalada nololeed ee Soomaalida Wadanka Belgium  iyagoo su’aalo badana ka waydiiyay Siyaasada guud ee Soomaaliya iyo ta Somalilandba, dhamaàn su’alaahaas oo uu Raysal Wasaarahu si haboon uga jawaabay.  Waxaanu kulan kaasi aakhirkii kusoo gabogaboobay si qurux badan iyadoo Raysal Wasaare kuxigeenkuna uu uga mahad celiyay kulankaas iyo siday ugu soo dhaweeyeen Wadanka Belgium iyadoo laysla soo qaadayna in xidhiidhka la joogteeyo.
Alla Mahad leh
Abdi Ismail

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker