Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa, Been Weyne, ee Wasiir Koore & Maareeye Daarood & Kulmiye ma xishhodayaal Ilaahay & Shacabka hargeysa …

Horta Nimaan quusan aftiisa ayaa quusa, Shicibka Hargeysa ee Biyo Balaadhintii ay Siilaanyo & Muuse
Kulmiye Jindagaagay cuney ee qaatey, ee Malaayiin Doollar ay ku qaateen Xukuumadaha Jindagaagay
ee Kulmiye ee Caalamka Deeqaha bixiya, ee Ingiriis, Denmark, Holland, Jarmal & Carab & Gaal & Muslim
bixiyey, ayey intay qaateen Madaxtooyadii Maxamuud Xaashi & Siilaanyo ayuu Muusana halkii kadaba
marey, oo kolba Dawlad & Hay,ado inta la geeyo Geed-Deeble ama Xumbo-Weyne oo Kamarado laga
soo duubaa Biyihii wey soo dhaw yihiin, waa lagu guulaystey Sanadkan, kii hore, kii ka sii horeeyey kan
hada soo socda, ka xigo ayey Hargeysi Biyo helaysa ku filan, oo Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa
Been Weyne, Xaaraame Weyne,  waa Mashruuco Malaayiin, Malaayiin Doollar lagu qaato, lagu lunsado
Umada Haraadan been Cad lala hor yimaado.
Mashruuca Biyo Balaadhinta Hsrgeysa been weyne, Siduu Ciro sheegay intuu Kulmiye Jindagaagay
Fadhiyo ma dhamaanayo Hargeysina Biyo heli mayso.
Hargeysaay Haraadkaaga sido, Hargeysaay Oomanaanta & Beer Cadaadkaaga iska xamil inta ay
Jindgaagay Kulmiye Siilaanyo & Muuse Shaani Beenta idinla hor fadhiyaan, Xaqiinii & Lacagtii Biyaha
laydunka siin lahaana Acountyo Debedaha & Khasnado Gaara Madaxtooyada Jeegaanta ee Siilaanyo &
Muuse isu bedeleen
Hargeysaan Sanadkii Hore, kii ka sii horeeyey, kan hada, ka xiga , kuwa kale Biyihii wey socdaan waa
lagu guuleystey, ayaa Siilaany Xaraashe & muuse Shaani & Wasiiradooda ma xishoodayaasha sida kan
kan hada Wassir Koore idinka hor taagan Biyo Balaadhinta Been Weyne hadaad Biyo idinku filan helaysaan.
Waar Ilaahay & Umada haraadka aad ku disheen Xaqii Ilaahay Gaal & Islaam uuga soo qaadayna eey biyo
ku heli lahaayeen ka cunteen, Acountyo Debeda wada dhigateen, ka xishooda oo Damiir yeesha, oo Beenta
Umada araadan aad la hor taagan tihiin iska daayo, Beenalayaal, Kadaaba oo xaaraanta & Dulmiga & xaqdarada
ku faana ayaad tihiin Jindagaagay & Kulmiye & Muuse & Kooreeye & Maareeye Daarood Ilaahay & Umada
Haraadan ee Hargeysa ka xishooda.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker