Tirada dadka ku dhintay weerarkii lala beegsaday munaasabad lagu xusayey mowliidka oo sare u kacday

Tirada dadka ku dhintay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Jimcihii ka dhacay degmada Mastung ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan ayaa gaartay 55 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Mir Sarfraz Bugti ayaa arrintan xaqiijiyay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Quetta.

Qaraxa ayaa lala beegsaday goob ay dadku ugu dabaal dagayeen munaasabadda dhalashada Nebiga.

Isbaheysiga ururka Ahlu-Sunna ee gobolka Balochistan ayaa ku baaqay shaqo joojin iyo mudaaharaadyo ka dhacaya guud ahaan Balochistan Axadda maanta.

Shaqa joojinta iyo dibadbaxan oo loogu baaqay inay ka qayb qaataan ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa lagu cambaareynayaa weerarka laguna dalbanayaa in sharciga la hor keeno kuwii ka dambeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker