Faahiye Iyo Xinifoow Falaadhi Gil Gilasho Kaagama Go’do !!!!!.

Af Xummo Nabadna Way Kaa Kaxaysaa  Colaadna Waxba Kaagama Tarto !!!!,
Bini Aadamka Marka Uu Caqligiisu Fahmi Waayo Waaqaca Taagaan Waxa Soo Socdana Ma Garto, Garaadkiisuna Kama Foga Gondihiisa Waana Aqoon Darada Dadka Qaar Wehel U Noqdaan Oo Damiirkoodu Siiyo Hadba Dabayshu Dhinacay U Socoto Oo Aad Is Odhanaysid Ma Dabayl Xagaa Baa !!!!.
Dabayl Xagaaga Waxaa Lagu Yaqaanaa Marba Jiho Ayay Kaaga Imanaysaa Yadoo Xashiish Iyo Ciid Is Wadata Marba Dhinac Kaaga Keenaysa Qofkuna Hadaanu Ka Gaashaaman Dabayl  Xagaaga Oo Aanu Madaxiisa Saarin Koofyad Ama Cimaamad Timihiisa Waxaa Ku Dhacaya Siigada, Ciida Iyo Xashiishka Ay Wadato Dabayl  Xagaagu !!!!, Xisbigii Kulmiye Waxaad Moodaa In La Soo Kiciyay Dabayl Xagaagii Oo Marba Jiho Lagaga Keenayo Siyaasiga Rug Cadaaga Ah Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Maanta Uu Taagan Yahay Wakhtigii Uu Kulmiye Bad Baadin Lahaa, Kana Saari Lahaa Madoowga Ku Gadaaman Xisbiga Kulmiye Oo Ragg Badan Oo Miisaan Iyo Sumcad Ku Leh Xisbiga Dibadda Looga Saaray Yagoo Rayigooda Saxda Ah Ee Ay Jeediyeen Colaad Loogu Qaaday Soomaalidu Waxay Tiraahdaa Nin Talin Jiray Haddii Uu Tago Midaan Talin Jirin Ayaa Taliya !!!!!!.
Waa Dhaqamada Qadhmuun Ee Xisbi Xaakimkii Kulmiye Ee Loo Han Waynaa Uguna Shacbiyadda Badnaa Labaddii Sano Ee U Dambeeyey  Kulmiye Wuxuu Taagan Yahay Saxare Lama Dagaana Oo Aanay Ka Dhowayn Muslim Loo Ciirsado, Biyo Iyo Cunto Nafta Lagu Bad Baadiyo Kulmiyana Marayo Inay Naftu Qar Qarada Dhaafto !!!!.
Soomaalidu Waxay Ku Maah Maahdaa Miidaamo Dhego Ma Leh Haddii Meleg Dhawaaqayo Shaqsiyaadka Kaba Qaadyada Ah Ee Muusanoowga Iyo Baroorta La Soo Fadhiisanaya Tv yadda ? Ee Ku Hadaaqaya Labadan Nin Ayaa Isa Soo Sharaxaya Waa Muuse Biixi Iyo Muxammad Kaahin Ama Ay Ku Hadaaqayaan Madaxwayne Muuse Biixi Intuu Doono Ayuu Haysanayaa Toban Sano Ha Noqotee Kkkkkkkkkkk, Ciridkaan Arkayaa ILko Kama Soo Jeedaan, Waa Ayaan Daro Aad U Wayn Inay Ku Hadaaqaan Afartan Sano Ayay Raggani U Soo Dhabar Adaygeen Oo Maxamuud Xaashi Jaanis Ugama Banaana Kkkkkkkk, Nin Faruuran Oo Ay Nin Kale Oo Aan Faruurnayn Wada Kaftamayeen Waxaa Xanaaqay Ninkii Faruurrnaa, Wuxuuna Ninkii
 Aan Faruurnayn Ku Yidhi Bal Eega Qofkan Afka Xun Wuxuu Ugu Jawaabay ILayn Afna Kkkkkkkk.
Waxaa Ayaan Daro Aad U Wayn Ah Shaqsiyaad Aan Han Lahayn Oo Caqligoodu Aanu Dhaafsiisnayn Calooshooda Waxay Ku Ridaan Xalaal Iyo Xaaraan Kay Doonto Ha Noqotee Oo Sida Eyga Ama Daayeerka Ama Dawaca Uga Daba Ciyaya Nin Han Madaxwayne Leh Oo Mustaqbalka Ku Xisaabtamaya Shanta Dambe Ee Soo Socda Inuu Somaliland Ka Noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Insha Allaah .
Riyo Haddii Ay Dib Leeyihiin Dabadooda Ayay Ku Qarsan Lahaayeen Shaqsiyaad Aan Miisaan, Sumcadtoona Ku Lahayn Beelahooda Iyo Beelaha Kale Ee Somaliland Oo Isku Dhererinaya Siyaasi Rug Cadaaya Oo Aanay Gaadhi Karin Waa Mid Laga Sumxaanalaysto.
Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Shaqsigii Koowaad Ee Ku Dhiiri Geliyay Wakhtigii Ururadda La Furay 2002 Inuu Axmed Muxammad Maxamuud(Siilaanyo) Kuna Khasbay Inuu Is Diiwaan Geliyo, Yadoo Ururaddii La Diiwaangeliyay Wakhtigoodii Xidhmaday, Xaashi Wuxuu Arooryadii U Kalahay Barlamaanka Isagoo Ahaa Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Kuwooda Ugu Cad Cad Wuxuu Gudoomiyaha Ku Xigeenka Koowaad Oo Golaha Gudoominayay Mudane CabdulQaadir Jirde Ka Codsaday Inuu Golaha Ka Hadlo Oo Xildhibaanadda War Geliyo Arrin Mihiim Ah Oo Qaranka Somaliland U Dana Xaashi Wuxuu Qabsaday Cod Baahiyaha Wuxuuna Yidhi Mudane Gudoomiye Waxaan Gole Ahaan Idiinku War Gelinayaa In Diiwaangelintii Ururadda La Xidhay Yagoo Ay Hadhsan Yihiin Ragg Sumcad Iyo Miisaan Wayn Ku Leh Somaliland Oo Weli Aan Is Diiwaangelin Diyaarna U Ah Inay Is Diiwaangeliyaan.
Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane CabdulQaadir Jirde Wuxuu Ku Yidhi Maxamuudoow Ninka Weli Aan Is Diiwaangelin Waa Kuma Wuxuu Ugu Jawaabay Waa Gudoomiyihii Ugu Mudada Dheeraa Jabhaddii SNM Mudane Mujaahid Axmad Siilaanyo, Gudoomiye Jirde Oo Wejigiisa Farxad Aad U Wayni Ka Muuqato Oo Cosolna Raaciyay Ayaa Yidhi Maxamuudoow Ma Hubtaa Inuu Is Diiwaangelinayo Maxamuud Wuxuu Ugu Jawaabay Haa Waan Hubaa Oo Xalayto Ayaa Isku Kaaya Dambaysay Gudoomiye Jirde Xildhibaanaddii Wakiiladda Ayuu Ku Wargeliyay Oo Yidhi Diiwaangelinta Ururadda In Muddo Laba Todobaad Ah In Dib Loo Furo Inta  Ogoli Gacanta Ha Taagaan, Inta Diidanina Gacanta Ha Taagaan Waxaa La Waayay Xildhibaan Diida Ama Ka Aamusa, Maxamuud Golihii Wakiiladda Wuxuu Kala Tegay Guul Wuxuuna War Farxad Leh Kula Noqday
 Axmed Siilaanyo Wuxuuna Ka Qaaday Kun
Dollar Oo Ah Diiwaangelinta Ururka, Ururkiina Waxaa Loo Bixiyay Kulmiye.
Ishii Bugtaay Ku Bikaacso Maxamuud Xaashi Waa Mulkiilaha Labaad Ee Ku Soo Xiga Madaxwayne Axmad Siilaanyo Shaqsi Kasta Oo Ka Dambeeyey Xisbiga Waa Ku Qariib Ama Waa Ku Marti, Siyaasi Maxamuud Xaashi Qolyaha Waraabe U Taaga Ahna Nin U Jawaabaya Maaha Oo Sumcadiisa Iska Dili
Maayo Ninkii La Mustawe Ah Ama La Meeqaam Ah Ayuu  U Jawaabi Karaa Ama Isku Dhererin Kara Ama Talooyin Siin Kara !!!!.
Xisbiga Kulmiye Inuu Wakhti Dheer Sii Jiro Oo Aanu Saaxada Siyaasadda Ka Bixin Waxay
Ku Xidhan Tahay Mursshaxnimadda Maxamuud Xaashi Oo Madaxwayne Muuse Biixi Ogolaado Tartan Xor Ahna Lagu Tartamo Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye Insha Allaah.
Madaxwayne Muuse Biixi Waa Nin Wayn Oo Waayo Arag Ah Oo Wadanka Ku Sugnaa 28 Sano Ee Somaliland Jirtay Garanayana, Ogna, Ka Dheregsana Shaqsiga Guusha U Keenay , Una Keeni Kara Shanta Dambe Ee Madaxwayne Muuse Biixi Isu Soo Taagayo Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Insha Allaah Marka Laga Dhigo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ma Muxammad Kaahin Ayaa Guul U Keeni Kara Mise Maxamuud Xaashi??!!., Jawaabta Waxaan U Daynayaa Shacabwaynaha Somaliland.
Qolyaha Ciil Qabayaasha Ah Waxaan Leeyahay Mudane Maxamuud Xaashi Wuxuu Taageero Balaadhan Ka Haystaa Xisbiga Kulmiye Golihiisa Fulinta, Golihiisa Dhexe, Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye , Beelaha Habar Jeclo, Habar Awal, Habar Yoonis, Arab, Ciidagale, Samaroon, Ciise, Dhulbahante, Warsangeli, Fiqi Shini, Gabooye, Saraakiisha Kala Duwan Iyo Ciidamadda Qaranka Nin Si Fudud Loo Baacsan Karo Ama La Eryan Karo Ama Cidla Loo Diri Karo Maaha.
Waa Shaqsiga Isagoo Xildhibaan Golaha Wakiiladda Ah Ku Soo Oogay Madaxwayne Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee Aamiin Aamiin Aamiin Insha Allaah Xil Ka Xayuubin 2001 Wuxuuna Madaxwayne Cigaal Ku Baxsaday Hal Cod 38 Iyo 37 Gudoomiyuhuna Ma Codayn Isagoo Ah Xildhibaanka Ugu Da’da Yar Golaha Wakiiladda Ayuu Nafta Iskugu Keenay Madaxwayne Cigaal Waaba Isagoo 55 Jir Ah Nin U Babac Dhigayaa Xagee Buu Joogaa.
Kuwa Ku Hadaaqaya Murashaxa Gudoomiyaha
Xisbiga Kulmiye Waxaa Iska Dooranaya Hogaanka Sare Ee Xisbiga, Ma Waxay Moodayaan Xisbigii Muxammad Siyaad Barre Ee La Odhan Jiray Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed( XHKS) Ee Shanta Golaha Sare Xilalka U Sareeya Kala Qaybsan Jireen Madaxwayne, Iyo Afar Madaxwayne, Miyaanay Ogayn Kulankii Ka Dhacay Deegaanka Xaraf .
2009 Beesha Sacad Muuse Waxay Geelal Ku Qasheen Deegaanka Xaraf Beeshana Waxaa Hor Kacayay Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxaana Lagu Casuumay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Mudane Axmad Muxammad Maxamuud(Siilaanyo) Caasimaadii Markii Ay Dhamaatay Muuse Biixi Iyo Beeshiisa Waxay U Soo Bandhigeen Axmad Siilaanyo Markaad Ku Guulaysatid Doorashadda Madaxtooyadda Inaad Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ku Wareejisid Gudoomiye Ku Xigeenkaaga
Muuse Biixi Waxay Kaloo Yidhaahdeen Qoraal Aad Ku Saxeexan Tahay Ayaanu Kaa Doonaysaa.
Axmad Siilaanyo Wuxuu Ugu Jawaabay Weligay Qawl Aan Galay Kama Bixin Afkayga Ayaan Idiinkaga Sheegayaa Doorashadda Madaxtooyadda Markaan Ku Guulaysto Inaan Bil Ka Bacdi Ku Wareejin Doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi
Insha Allaah.
Xigasho: Odayaasha Sacad Muuse Qaar Ka Mida.
Mulkiyadda Xisbiga Kulmiye Waxaa Ku Qoran Madaxwayne Axmad Siilaanyo Ninka Uu Yidhaahdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ha Laga Dhigo Ayaa Soconaysa Insha Allaah.
Wadhaf Iyo Shimbiro War Isuma Hayaan.
Maxamuud Xaashi Hammigiisu Waxa Weeyaan Inuu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Uga Sii Gudbo Madaxwayne Inuu Ka Noqdo Somaliland Insha Allaah Marka Uu Shanta Dambe Ku Guulaysto Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi .
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker