Milatariga Wadanka Israel oo soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Suuriya.

Milatariga Israel ayaa shaaca ka qaaday in ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leedahaya xukuumada suuriya taasi oo dul heehaabeysay xuduuda labada dal u dhaxeysa.

Diyaarada la riday ayaa ku xadgudubtay xadka labada dal ay wadaagaan gaar ahaan buuraha Golan Heights sida ay maanta  ay xuseen saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Milatariga Isreal oo Lagu Magacaabo Colonel Jonathan ayaa sheegay in diyaaradan ay ku socotay xowli sare ayna soo gashay buuraha Golan Qeybta xigta Isreal.

Waxaa uu intaa raaciyay in aanay garaneyn ilaa iyo hada in diyaarada si qaldan hawada dalkooda u soo gashay iyo in kale,jawaab na aysan ka helin duuliya yaasha waday diyaaradan oo aheyd nuuca dagaalka.

Diyaarada Laga soo riday xukuumada suuriya ayaa gudaha ugu dhacday dalkeeda sida ay milatariga Israel sheegeen.

Arintaan ayaa waxay Imaaneysaa iyadoo degaanada dhaca koonfur galbeed suuriya ay ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Suuriya iyo mucaaradka Hubeysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker