Madaxwaynaha Kenya Uhuru iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Maxay iska shabahaan

Hargeysa (OWN) ― Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa is bar-bar ku dhig sameeyay qaabka bulshada ay Madaxweynaha u yihiin isugu hayaan Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awoodi kari waayey in uu isku soo dhaweeyo ilmaadeeradii, marka laga imaadaba bulshada kale ee reer Somaliland.

Halka uu Madaxweyne Uhuru ku tilmaamay mid kolba direys u xiranaya siduu u mideyn lahaa malaayiinta uu talada u hayo.

Mustafe Shiine ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay kala qeybinta bulshada reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in qaranka Somaliland uusan waxba u noqoneyn muddada kooban ee uu talada hayo.

 

“Ragna malaayiin kala diimaa bay mideyntoodii marba dirays u xidheen, qaarna markay Ilmaadeertii isu laab-xaadhi kari waayeen, ayaa intii kalena ka quusatay oo ay xadhkaha goosatay” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Wuxuuna kusii daray “Caqligii lagu waday ee suufka iyo xanjada isku hayay kolkii meesha laga saaray, ayuu ninkii aan niyada iyo qalbiga ka ahaynba fursad u arkay. Taariikhda uun baa kugu sunti “kala diree”, qaranka Somaliland waxba u noqon maayo, mid danaysi kula joogay iyo mid u kala abtiriyay toona, wakhtigu wuu gaaban yahay”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker